4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2015
Ururka Xawaaladaha Soomaalida ee Imaaraadka oo la kulmay Wasaarada Maaliyada Mareykanka


Arbaco, September 16, 2015 (HOL) — Ururka Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shalay kula kulmay Hoteelka Radisson Blue ee Magaalada Dubai Kaaliye ku-xigeenka Wasiirka Maaliyadda Dalka Maraykanka, Daniel Glaser.

Kulanka oo uu Glaser isugu yeeray Xawaaladaha Soomaaliyeed si ay uga tashan lahaayeen sidii loo xallin lahaa xayiraada soo food-saartay dhanka la shaqaynta Bangiyada iyo Dirista Lacagaha.

Mas’uuliyiintii Xawaaladaha ayaa Kulanka ku soo Bandhigay Qoraallo lagu Tusaaleynayo sida hufan ee ay u raacaan Dhammaan Shuruucda Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo dhibka ay kala kulmaan Bangiyada.

“Sida la ogyahay, baryahan Xawilaadaha Soomaaliyeed, waxaa dhib ka haystay Furitaanka Xisaabaadyada Bangiyada iyo dirista lacagaha Yurub, Maraykanka iyo Waddamada kale ee Caalamka,” ayaa lagu yiri warbixin uu Ururku Xawaaladuhu soo saaray kulanka kaddib.

Ururka Xawaaladaha Soomaalida ayaa Warbixintooda waxay ku sheegeen in Howshaan oo kasoo billaabatay Ururuka Xawaaladaha Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka ay keentay in Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ay kula kulmaan dalka isu-taga Imaaraadka Carabta.

Xawaaladuhu waxay isku raaceen in Dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay Hir-galiso Sharciga Dhaqaalaha Asaasiga u ah Badbaadinta Xawaaladaha oo ah hal-bowlaha dhaqaale ee ay Ummadda Soomaaliyeed maanta leedahay.

Glaser iyo Wafdigii la socday ayaa iyaguna u sheegay in dhibaatada haysata Xawaaladaha ay inta badan ka taagan tahay helista iyo Ansixinta Sharciyada ku Aaddan (La-dagaallanka Argagixisada (CFT) iyo Marista lacagaha (AML) oo ay Dowladda Soomaaliya Hir-galiso, taasoo keeni karta buu yiri inay fududaato sidii Lacag Toos ah Soomaaliya loogu diri lahaa oo ay Caalamku Aamino inay Somalia buuxisay Shuruucda Dhaqaale ee Caalamiga ah.

Dhanka kale, Mr. Glaser ayaa sheegay inuu ku Qancay in Xawaaladaha la’aantood ay soo food-saari lahayd Soomaaliya dhibaato lixaad leh oo dhanka dhaqaalaha ah.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa kusoo gaba-gaboobay iyadoo uu Daniel Glaser uu Qiray inay Xawaaladuhu ay Dadaalayaan, balse uu xusay inay raadinayso Dowladda Soomaaliya inay Dar-dar-galiso sharci lagu maamuuso Dhaqaalaha oo ay Baarlamaanka Hor-dhigto. Taasoo looga gudbi karo Dhibaatooyinka haysta Xawaaladaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya