Shirkii wadatashiga ahaa ee Hay’adaha Amaanka iyo Bulshada oo lasoo Gaba-gabeeyay (SAWIRO)


Axad, Oktoobar 18, 2015 (HOL) — Waxaa maanta lagu soo gunaanaday Hotel City Palace ee Muqdisho kulankii wada-tashiga hay’adaha ammaanka iyo ururradda bulshadda, kaasoo muddo labo maalmood ah socday.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda wacyi-gelinta bulshdda ee CCA,  iyadoo ay wasaaradda amniga gudaha dowladda Somalia ay gacan kageysatay taabo-gelintiisa, ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay madaxda iyo hawl-wadeennada hay’adaha Qaranka iyo ururradda bulshadda hal goob isugu yimaadaan, kana wada hadlaan wada-shaqeyntooda iyo xoojinta nabadda.

Sidoo kale, xubnihii kasoo qaybgalay shirkan waxay kaloo lafa-gureen caqabadaha hor-taagan sugidda amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo goballadda kale ee dalka.

Mas’uuliyiintii kasoo qaybgalay shirkan waxay isku aragti ka noqdeen in amni-xumida ay keento shaqo la’aanta, aqoon la’aanta iyo caddaalad-xumo; loona baahan yahay in shaqo loo abuuro dhallinyarrada, lana xoojiyo wacyigooda iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka Qaranka.

Dadweynihii iyo madaxdii ka hadlay kulankaas waxay soo bandhigeen talooyin dhaxal-gal ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’addaha ammaanka iyo ururradda bulshadda iyo sidii looga hortegi lahaa xag-jirnimadda iyo Al-shabaab ee ku caan baxday argagax-gelinta ummadda.

Wasiirka Amniga Gudaha dowladda federaalka, C/risaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay gabagabada shirkaasi, wuxuuna u mahad-celiyey madaxda hay’adda CCA oo uu sheegay inay hormuud ka yihiin hawlaha lagu wayi-gelinayo bulshada iyo xoojinta nabadda.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu tilmaamay inay dowladda federalka Somalia taabo-gelinayso talooyinka muhiimka ee lagu soo bandhigay shirkii wada-tashiga ah ee hay’adaha ammaanka iyo bulshadda ku yeesheen Muqdisho.

Guddoomiyaha hay’adda wacyi-gelinta bulshada ee Center for Community Awareness (CCA), Maxamed Ibraahim Cali [Maxamed Cajiib] oo gunaanadkii shirk aka hadlay ayaa ballan-qaaday inay bulshada gobolladda gaarsiin doonaan farriinta Qaran ee ay xambaarsan tahay qiimaha ay wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo ururrada bulshadda u leedahay sugidda amniga iyo horumarka.

Maxamed Cajiib ayaa ku nuux-nuuxsaday in wada-tashiyada noocaan oo kale ah ay hor-seedi karaan in laga guuleysto xag-jiriinta khatarta ku ah mustaqbalka dhallinyarrada iyo deggenaanshaha bulshada.

Inj. C/raxmaan Cumar Osman Yariisow ayaa isagana soo bandhigay mowduuca ku aaddan sida looga guuleysan karo Al-shabaab iyo xag-jirnimada, isagoo xusay in loo baahan yahay inay aqoon-yahannada, culummada iyo ururrada bulshada si wadajir ah ugu qayb-galaan xoojinta nabadda iyo la-dagaallanka kooxda Al-shabaab oo uu tilmaamay inay khatar ku yihiin mujtamaca.

Ugu dambeyn, taliyihii hore ee booliska gobalka Banaadir, Jen. Maxamed Cumar Madaale iyo guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka, Canab Cilmi oo ka hadlay kulanka ayaa qiray inay dhallinyarradu laf-dhabar u yihiin sugidda amniga, loona baahan yahay in ay dhallinyarradda la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si loo helo nabad-buuxda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya