Axad, Oktoobar 18, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka ee Soomaaliyia, C/risaaq Cumar Maxamed oo maanta ka hadlayay kulan lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab aysan xilligaan awood u lahay inay ku biiraan kooxda Daacish.
Mudane C/risaaq Cumar ayaa xusay in Al-shabaab aysan xilligan lahayn awood iyo niyad isla markaana aysan suuro-gal u ahayn inay ku biiraan kooxda khilaafada Islaamka ee ka dagaalla dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
“Al-shabaab awooddii ay lahaan jirtay way wiiqantay sida aad u jeeddaan, waxaa haray wax yar oo dadka shacabka ah ku dhex-dhuunmanaya; iyagana waa la soo af-jarayaa,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.
Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa sannado badan dagaallo kula jiray Al-shabaab, iyadoo kooxdu ay isku dayaysay muddo sanooyin ah inay xukunka ka tuurto dowladda Somalia ee caalamku taageersan yahay.
Dhanka kale, hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab uu ka dhex-jiro khilaafeen ka dhashay inay kooxda Daacish ku biiraan iyo inay kasii mid ahaadaan ururka Al-qaacida.
Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan deegaannada ay gacanta ku hayso ku xi-rxirtay xoogag ka tirsan oo ay ku eedeysay inay u ololeynayaan inay ku biiraan kooxda Islaamiga ah ee Daacish.
Ugu dabmeyn, kooxaha Boka Xaram iyo Daacish ayaa dhowr jeer oo horae ugu baaqay Al-shabaab inay ku biiraan khilaafada islaamiga ah, inkastoo Al-shabaab ay ka biyo-diidsan tahay inay ku biirto kooxdan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya