Talaado, November 03, 2015 (HOL) —Madaxweeynaha Mareeykanka Barack Obama ayaa sheegay in dowladiisu aysan u diri doonin dalka Suuriya ciidamo la dagaalama kooxda ISIL balse go’aankoodu uu yahay in ay halkaasi geeyaan ciidamo fulin doona howlgallo gaar ah.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in ciidamada ay u dirayaan dalka Suuriya ay caawin doonaan kooxaha mucaaradka ee dagaalka kula jira kooxda ISIL.
“Ma geyn doonno ciidamadeena afaafka hore ee dagaalka si ay ula dagaalaan kooxda ISIL,” ayuu Obama hadalkiisii raaciyay.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in aysan dooneyn in ciidamo dagaalama ay wadankaasi geeyaan si lamid ah sidii ay u geeyeen dalka Iraq, taa oo uu sheegay in aysan xallin dhibaatadii ka jirtay dalkaasi.
War kasoo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in ciidamada loo dirayo dalkaasi ay howshoodu noqon doonto in ay tababar siiyaan, la taliyaan ayna caawiyaan kooxaha mucaaradka, tiro ahaanna ay ka yaraan doonaan 50.
Colaadaha ka jira dalka Suuriya ayaa daba dheeraaday, ayadoo dowladaha Ruushka iyo Iran ay ballaariyeen taageerada ay siinayaan madaxweeynaha Suuriya Bashar Al-Asad, si uu ula dagaalamo kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Obama oo sheegay in aysan ciidamo dagaalama u diri doonin Suuriya
More News
- Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya oo booqasho ku tagay Dhadhaab (Sawirro)
- SAWIRRO: Boko Haram oo sameysata Gantaalka loo isticmaalo Qoriga RPG-ga ama Baasuukaha
- Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad-sugidda DF Soomaaliya oo ka hadlay Weerarkii Hotel Saxafi
- Eedeyn cusub oo loosoo jeediyay shan wiil oo ka mid ah dhallinyaro ku xiran Minnesota (Sawirro)
- SIILAANYO: Cidna kama yeelayno in Ammaanka Somaliland ay Waxyeello u Geysato (SAWIRRO)
- DHAGEYSO: Maamulka Puntland oo ka Hadlay Khasaarihii ka dhashay Dabeylo ku dhuftay
- Dagaal Ciidanka Somalia iyo kuwa Al-shabaab ku Dhex-maray Dulleedka Garoonka Balli-doogle
- Dibadbax loogu baroor-diiqayay dadkii lagu dilay Weerarkii Hotel Saxafi oo ka dhacay Muqdisho
- Muslimiinta Minnesota oo loo diiday dhul ay ka dhigan lahaayeen Qubuuro (SAWIRRO+VIEDO)
- Maamulka Kismaayo oo Dhagax-dhigay Warshad Cusub oo Qalabka Dhismaha Sameyn Doonta
- JEN. TUUR-YARE: Gaadiidka & Dadka Muqdisho soo galaya waa in Baaritaan Adag lagu Sameeyaa
- SAWIRRO: Wasiirka Maaliyadda oo soo xiray shirkii looga hadlayay nidaamka maaliyada dalka