Ergada ansixineeysa dastuurka Jubbaland oo ka dooday qodobada ku xusan dastuurka
Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Shirka ka doodista dastuurka Jubbaland oo shalay ka furmay magaalada Kismaayo ayay maanta ergada ka qeybgaleeysa shirka waxa ay uga doodeen qodobada ku xusan qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland.
Ergada oo gaareeysa 300 ayaa waxaa ay maanta koox koox uga doodeen qodobada ku qoran dastuurka Jubbaland, iyagoo aragtidooda ku aadan qodobadaasi u gudbiyay gudiga gacanta ku haya howsha diyaarinta dastuurka Jubbaland.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Mudane C/qani Cabdi Jaamac oo ka warbixinayay howlihii maanta qabsoomay ayaa sheegay in ergadu ay gudida u gudbiyeen afkaartooda ku aadan qodobada ku xusan dastuurka, isagoo sheegay in maalinta berito ah la guda geli doono ansixinta dastuurka.
Wasiirka madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in dastuurkani noqon doono mid KMG ah, dhawaanna lagu wareejin doono gudoonka baarlamanka Jubbaland si uu ugu bandhigo xubnaha baarlamanka.
Shirkan lagu ansixinayo qabya-qoraalka dastuurka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo maalmaha foodda nagu soo haya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- XISBIGA KULAN: Waa in Doorasho iyo Isbedel ay dalka ka dhacaan Sanadka 2016 (SAWIRRO)
- Shirkii looga Hadlayay Hiigsiga Somalia ee 2016 oo lagu soo Gunaanaday Muqidsho (SAWIRRO)
- Ururka TALIBAN oo Maanta Xaqiijiyay Geerida Hoggaamiyahoodii Hore ee Mullah Cumar
- Shirkada Diyaaradaha Kenya Airweys oo Maanta Shaacisay inuu lasoo darsay Khasaare Xooggan
- Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Maanta la Wareegay Deegaano Hoos-taga Gobolka Hiiraan
- Puntland oo Faahfaahisay Sababta ay uga Qayb-gali Wayday Shirka Hiigsiga Somalia ee 2016-ka
- HERITAGE: Waanu ogeyn inaysan ka dhici karin Soomaaliya Doorasho Qof iyo Cod ah 2016-ka
- Warbixino Dheeraad ah oo kasoo baxaya Geerida Hoggaamiyihii Ururka Taalibaan Mullah Cumar
- Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska Somalia iyo Minnesota-Mareyanka oo ku kulmay Muqdisho
- PROF. SAMATAR: Rajada Xilligan Muqdisho ka socota ee aan Arkayo ma ahan mid Wanaagsan
- Madaxweyne Xasan oo Warqadihii Safiirnimo ka Gudoomay Danjiraha Dalka Kenya (SAWIRRO)
- Hay’adda CED oo soo Gunaanaday Dood-cilmeed la xiriirta Awoodsiinta Haweenka (SAWIRRO)
- Kenya oo sheegtay in ay sii wadeyso dhismaha Darbiga ay ka dhiseyso xadka kala dhexeeya Somalia
- Dagaallo Culus iyo Duqeymo ka Dhacay Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya
- Ciyaarihii Somali Week Toronot: Winsor iyo TMT Ohio oo soo gaaray Semi-final