
Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Agaasimaha Xarunta Daraasaadka iyo Siyaasadda ee Heritage, C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa Xusay inay Ogaayeen in Sannadka 2016-ka aysan dalka ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah, Arrimo badan oo jira Awgood.
C/rashiid Khaliif Wuxuu Sheegay in Hadda Federaalka uu ka jiro Culeys, isla markaana shirka ka socda Muqdisho aysan ka Qayb-galayn Qaar ka mid ah Maamullada Gobollada dalka, sidoo kalena Xisbiyada dalka ka jira Qaarkood ay cabasho Qabaan.
Sidoo kale, Khaliif Wuxuu Sheegay in Markii lagu Dhawaaqayay in 2016-ka ay ka dhici doonto Soomaaliya doorasho Qof iyo Cod ah ay ahayd mid laab-la-kac ah, isla markaana Soomaalida aysan horay isugu tashan, aysanna muuqan kaalin cad oo Caalamka Arrintaasi ka Taagnaa.
“Goballada dalka meelo ka mid ah ayaan tagnay Shacabka ku nool ayaanan Xog-urur ka qaadnay, Dadku waxay inoo sheegeen inay u baahan yihiin Federaal, balse inooma sheegin Qaabka Federaalkaasi noqonayo, ma Waxay doonayaan Maamullo iyo Dowlad Awood leh, mise maamulo xor ah iyo dowlad iska Miskiin ah. Anaga waxaan aaminsan nahay in dadka Soomaaliyeed ay kow ka yihiin Dadka u baahan in Wax la Weydiiyo, balse dadka Xalane ku urursan iyo kuwa Shirka aan imaan aayaha ah inaysan doorasho dhici karin iyo in kale iyaga ma lahan, balse maadaama talada Gacantooda ku jirto fikrado xalaal ah haddii ay keenaan waa la dhageysan doonaa, muhiimaduna waa in shacabka wax la weydiiyo,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif.
Dhanka kale, Khaliif ayaa soo hadal-qaaday mar haddii dowladda ay sheegtay in aysan doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhici karin in laga fikiro oo kaliya in la helo dowlad xalaal ah oo aan lasoo fara-gelin Qaab dhismeedkeeda, shacabkana la weydiiyo inta laga gaarayo sida ay wax la tahay iyo dowladda ay doonayaan.
Ugu dambeyn, Madaxa Xarunta Daraasaadka & Siyaasadda ee Heritage wuxuu ka digay in siyaasi ama shaqsi hadda xil-haya aanu dejin qaabka ay wax u dhici doonaan, Odayaasha dhaqankana aan Awoodooda la dafirin, iyadoo la eegayo Xildhibaan ama Madaxweyne maamul-gobaleed.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya