Isniin, Luuliyo 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta oo maanta ka furmey magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Itoobiya.
Shirkan oo ay soo Qaban-qaabisey Qaramada Midoobay, ayaa Waxaa si Rasmi ah u furay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga hadlay Arrimo dhowr ah oo la Xiriira horumarka caalamka, qaaradda Afrika iyo Somalia, isagoo sheegay in muhimada koowaad ee shirkan ay tahay fursadda loo helayo in laga doodo sidii dalalka caalamka looga taageeri lahaa inay gaaraan hadafyadoda dhinaca horumarka oo dhameystiran.
“Waa inaan isla meel dhignaa hadafyo la fulin karo, kuwaasoo si tartiib tartiib ah qeyb uga qaadan kara ciribtirka fakhriga. Waa inaan dadaalkeena isugu geynaa sidaan u dhisi lahayn hay’adaheena kala duwan, lana yareeyaa colaadaha, waayo taasi waxay inaga saacideysaa in carruurteena ay waxbarasho fiican helaan, in shacabku helo biyo nadiif ah iyo adeegyada kale ee asaasiga ah’’ ayuu khudbaddiisa ku xusey Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay baahida dhaqaalaha la doonayo in lagu bixiyo mashaariicda kala duwan ee horumarka caalamka, ayaa tusaale u soo qaatey iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ee Cahdiga Cusub (New Deal Compact), kaas oo qeexaya waddada iyo qaabka loo marayo dib u soo kabashada Soomaaliya, colaaadda kadib.
Wuxuu intaas ku daray in iyadoo la tixraacayo barnaamijkaasi, Somalia loo ballan-qaaday lacag dhan laba bilyan oo dollar oo dhinaca horumarinta lagu bixinayo.
“Waxaan Qaadnay Tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu Xaqiijinayo inaan si Qaldan loo is-ticmaalin lacagaha loogu talagaley horumarka dalka ee barnaamijkaasi uu dhigayo, iyo dib u qaabeyn lagu sameeyay hay’adaheena maaliyadda, inagoo filayney in beesha caalamka ay ku Qanci doonto, Taageerada aan Doonaynana ay ina siin doonaan, sida aan Annaga u rabno, balse taasi ma dhicin. Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Cahdiga Cusub ama New Deal uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aanay weli jirin maal-gelin lagu sameynayo adeegyada aadka muhiimka inoogu ah, iyadoo ay Taasi Dheer tahay in Somalia aysan Door-weyn ku lahayn maamulka Barnaamijkaasi," ayuu madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in Waddamada ka soo kabanaya colaadaha il-gaar ah lagu eego. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan intaas ku dari lahaa inay habboon tahay inaan maanka ku hayno in qaar ka mid ah Waddamada ay Colaaduhu saameeyeen aysan haysan kaabeyaasha aasaasiga ah, iyadoo weliba hay’adaha Dowliga ahna ay yihiin kuwo liita. Sidaa Awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in la kor-dhiyo taageerada maaliyadeed, si isbeddelo horumar keeni kara loo abuuro.Kaalmada la siinayana waa inay ku jirtaa mid farsamo.”
Xasan Sheekh ayaa xusay in Somalia ay si buuxda u taageersan tahay nidaamka caalamiga ee Dhismaha Kaabeyaasha ee uu Maamulayo Bangiga Adduunka, iyo Weliba Qorshaha qaaradda Afrika ee horumarinta kaabeyaasha ee la magac baxay Africa 50 Infsrastructure Fund.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Soomalia wuxuu ka hadlay iskaashiga dalalka soo koraya, Qaabeynta iyo Nidaaminta Xawaaladaha, iyo isagoo Caalamka Xusuusiyay muhimadda ay leedahay in laga dhabeeyo balanqaadyada ku aaddan dhanka horumarinta ee hay’adaha iyo dowladuhuba ay sameynayaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya




