
Isniin, Luuliyo 13, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidamada Ilaalada Waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaari lagu geystay saacado ka hor fal-dambiyeed, isla markaana watay taargo been abuur ah.
Jen. Cali Gaab ayaa intaas ku daray in gaarigan loo adeegsaday dad badan oo lagu laayay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Isagoo xusay inuu ahaa gaari sida Taksi oo kale u shaqeynayay.
“Waxyaabaha la yaabka leh ee aan gaarigan ku aragnay waxaa ka mid ah in taargo laga farsameeyay gasacda lagu keeno caano-booraha, taasoo xaashi lagu dhajiya; waxaanan u aragnaa dadkii watay inay yihiin kuwo ku talo-galay inaan la aqoonsan gaarigooda markii ay fal-dambiyeed ku geystaan,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.
Taliyaha ayaa xusay in raggii falal dambiyeedka ku geystay gaariga ay baxsadeen, balse la qabtay mid ka mid ah raggaas oo dhaawac qaba, kaasna ay ku raadinayaan raggii kale ee baxsaday.
Illaalinta iyo Ogaanshaha Taargooyinka Gaadiidka ayaa Qayb ka ah sugidda Amniga Guud ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Taraafikada Gobolka Banaadir, isagoo xusay in gaadiidka falal dambiyeedyada lagu geysto ay yihiin intooda badan kuwo aan taargo wadan.
Ugu dambeyn, Jen. Cali Gaab ayaa uga digay Gaadiidleyda inay samaystaan taargo been abuur ah, ciddii lagu qabtana la horgeyn doono sharciga, ayna mudan doonto wixii uu sharcigu ku xukumo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya