Dayacir lagu sameynayo waddooyinka Muhiimka ah ee Beledweyne [Sawirro]


Talaado, Feberaayo 03, 2015 (HOL) — Waddada suuqa Yoobsan ee degmada Beledweyne oo muhiimka u ah dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ayaa markii ugu horeysay manta laga bilaabay dib-u-diyactir lagu hagaajinayo wadada.

Jaaliyada reer Hiiraan ee dalka Australia  oo ku deeqday dhaqaallaha ku baxaya dhismaha ama dib-u-diyactirka wadada ayaa u soo wakiishay qaar ka mid ah guddiga ganacsatada iyo ururka dhalinyarrada gobolka oo ku howlan dib u hagaajinta wadada oo ka mid ah marka la eego goobaha ugu mashuulka badan magaalada.

Cabdi Mowliid Max'uud oo ka mid ah guddiga ganacstada ku howlan dhismaha wadada ayaa uga mahad celiyay Jaaliyada dalka Australia, oo markii ugu horeysay sida uu hadalka u dhigay isku howshay dib-u-dhiska goobaha danta guud.

Guddoomiyaha ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan, Maxamed Cabdulllaahi Buraalle [Raaxeeye] oo HOL kula hadllay halka laga waday dhismaha jidkan ayaa sheegay in markii hore ganacsatadu dhibaato xoog leh ku qabeen bur burka wadada oo meelaha qaar marka roobabku da'aan isku badali jireen biyo fariisin ay adkeyd in lagu sii ganacsado.

“Waad arkeysaan halka shaqada ka socta, waxaan rabnaa in aan ugu baaqno jaaliyadaha kale in ay ka qeyb-qaataan dib-u-dhiska iyo soo nooleynta bilicdii ay lahaan jirtay magaalada, gaar ahaa dhismaha jidadka bur bursan ee muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gadiidka,” ayuu yiri Max'ed C/llaahi.

Dadka ku ganacsada hareeraha wadada dib-u-dayactiirka laga waddo, ayaa siweyn u soo dhaweeyay howsha socta, iyaga oo sheegay in tallaabadan wax weyn ka tari doonto dib u dhici ku iman jiray ganacsigooda waqtiyada roobabku jiraan.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay Jaaliyadaha uga qeyb-qaadanayaa hormarada kala duwan ee ka jira gobolka, marka laga soo tago mashaariicda ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Hiiraan iyo hay'addo caalami ah oo dib loogu dhisayo xarumahii dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya