Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday Magaalada Calgary ee wadanka Canada Ganacsade Mahdi Cabdi Baajeeyte oo ahaa Ganacsade aad looga yaqiinay magaalada Calgary.
Mahdi, ayaa wuxuu ahaa milkiilaha Maqaayada caanka ah ee La Brezza oo ay si gaar ah uga cunteeyaan cayaartooyda magaalada Calgary. Waxayna maqaayaddaan ku caan baxday cuntada dalka Talyaaniga oo ay aad u xiiseeyaan dadweynaha ku nool magaalada Calgary.
Maqaayadda La Brezza ayaa ku guuleystay abaalmarin ay guddoonsiisay sharikadda TRIPADVISORY oo badanaaba abaalmarisa maqaayadaha iyo Hoteelada adduunka.
Mahdi Cabdi Baajeeyte, ayaa wuxuu ku soo barbaaray xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u soo guuray magaalada Calgary dhammaadkii sideedaneedkii (80s). sidoo kale waxaa aad looga yaqaanaa Xaafada Bondheere ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu ku soo koray.