Shahaado Sharaf la Gudoonsiiyay Saraakiisha Booliiska Jubooyinka (Sawirro)
Talaado, Feberaayo, 17, 2015 (HOL)-- Munaasibad ka dhacday xarunta ceeymiska ee degmada Kismaayo islamarkaana uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka J/hoose ayaa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay qaar kamid ah saraakiisha booliska gobolka J/hoose.
Shahaado sharaftan ayaa la gudoonsiiyay taliyaha booliska Jubbaland Mudane Gaboobe Xasan Barre, Taliyaha saldhigga degmada Kismaayo Aadan Geel iyo weliba taliyaha howlgelinta ciidamada booliska Mudane Aadan Max'ed Sharmaake.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max'ed Yuusuf (Timajilic) kaasoo sheegay in saraakiisha dhanka amniga ee maamulka ay wax weyn ka qabteen sugidda amniga iyo weliba la dagaallanka Al-shabaab.
Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid C/laahi Gooni oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in shahaado sharafta ay uga gon leeyihiin in ay ku dhiirigeliyaan saraakiisha hogaamineeysa booliska degmada Kismaayo kuwaasoo uu xusay in ay la yimaadeen waxqabad la taaban karo.
"Saraakiishan waxay suurogeliyeen in amniga magaalada Kismaayo uu maanta noqdo mid la isku haleyn karo, waxay habeen iyo maalin usoo jeedaan sidii ay bulshada nabad ugu seexan lahayd," ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.
Gudoomiyaha degmada, kan gobolka iyo weliba wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ayaa si wadajir ah shahaado sharaf u gudoonsiiyay saraakiisha ciidamada Booliska degmada Kismaayo.
Gabagabadii, Taliyaha ciidamada booliska Jubbaland Gaboobe Xasan Barre ayaa ka hadlay madasha isagoo ka sheekeeyay dagaalladii kala duwanaa ee ay la galeen xoogagga Al-shabaab iyo weliba caqabadihii ugu darnaa ee ay kasoo mareen dhanka sugidda amniga, waxa uuna intaa ku daray in ay sii labajibaari doonaan howlgallada lagu sugayo ammaanka ee ay ka wadaan Jubooyinka.
........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Ganacsade Xaaji Quuroow oo lagu aasay magaalada Beledweyne (Sawirro)
- Ganacsade Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Magaalada Calgary ee wadanka Canada
- Dagaal dhexmaray ciidanka Somaliland iyo dadka ku nool Tuulada Horu-fadhi
- Hay’adaha Ammaanka Dowladda oo loogu baaqay inay Feejignaan Muujiyaan
- Fannaan si Weyn Dunida loo yaqaan oo ku biiray Kooxda Daacish (SAWIRRO)
- Abuukar Cawaale - Qaad-diid - oo Abaal-marin lagu Guddoonsiiyay Maanta Magaalada Garoowe (SAWIRRO)
- Daraasaadka Sare ee Jaamacada Muqdisho oo ay ka qalin-jabiyeen 122 Arday
- Qaramada Midoobay & Bisha Cas ee Qatar oo kawada hadlay Xaalada Somalia
- Arday ka Dhameystay Tababbar Saxaafadeed Machadka Warbaahinta Somalia
- Midowga Yurub oo Kenya ka taageeraysa ka hor-taga nafaqo-darada caruurta
- Dowladda Masar oo weydiisatay QM Ogolaasho lagu Fara-geliyo dalka Liibiya
- Kooxo hubeysan oo maanta Gacansade & Qof ilaalinayay ku dilay Beledweyne
- Madaxda Galmudug, Ahlusunna & Ximan iyo Xeeb oo gaaray Dhuuso-mareeb
- Madaxweynaha Somalia oo baaris caafimaad kaddib kusoo laabtay Muqdisho
- SHARMA’ARKE: Haduusan khilaaf iman dalka doorasho waan gaarsiin karnaa