WARBIXIN: Booqashada Madaxweyne Xasan oo Magaalada Baladweyne ku sugan Maalintii 2-aad


Talaado, December 22, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo shalay soo gaaray magaalada ayaa xalay iyo ilaa maanta kulamo aan loo kala kicin la qaadanaya waxgaradka, siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beellaha ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ay ka wadda hadlayaan arrimaha dib-u-hishiisiinta, ammaanka gobolka iyo waliba qodobka ugu weyn oo ah dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Marka laga soo tago kulamada madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisu la leeyihiin qeybaha bulshada, dhinaca kale waxaa soconayo kulamo hoose oo ay beellaha gobolka gooni gooni u qaadanayaan, iyagoo ka tashanaya sida ay u wajahayaan go'aanka dowladda ee la xiriira dhismaha maamulka labada gobol.

Kulamada guud ahaan marka aad eego waa kuwo xasaasi ah oo siweyn loogu lafa-gurayo dariiqa loo marayo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, kadib markii uu madaxweynaha wareegto ku sheegay in gogosha dhismaha maamulka la dhigayo Jowhar, halka degmada Buula-burta - na madaxweynaha sheegay in ay noqoneyso xarunta dowlad gobolleedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in maalinta berri ah sii joogi doonaan magaalada, iyaga oo sii anba-qaadaya kulamada wadda-tashiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya