
Talaado, December 22, 2015 (HOL) — Ciidamada Ciraaq iyo xoogagga kooxda Islaamiga ah ee IS ayaa maanta ku dagaalamay bartamaha magaalada Ramadi oo ku taalla galbeedka dalka Ciraaq, iyadoo xukuumaddu ay sheegtay inay magaaladaas ka saareen xoogagga ISIS oo maamulayay maagaladaas tan iyo horraantii sannadkan 2015-ka.
Afhayeenka howlgalka argagaxiso la dirirka dalka Ciraaq, Sabah al-Numani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dagaalka uu ka dhacay deegaanno ka tirsan magaalada Ramadi, isagoo xusay inay taageerayeen diyaaradaha dagaalka isbahaysiga ku sugan dalka Ciraaq, ayna ciidamadu ka gudbeen qaraxyo jid-gooyo ahaan loogu aasay waddooyinka.
Diyaaradaha dagaalka isbahaysiga uu horkacayo Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay duqeymo u geysteen xarumo ay Kooxda Daacish ku lahayd dulleedka Ramadi, kuwaasoo khasaare xooggan u geystay kooxda Daacish.
Magaalada Ramadi oo qiyaastii 100-km galbeedka ka xigta caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa waxaa bishii May ee sannadkan qabsaday Kooxda ISIS, iyadoo laga saaray ciidamadii Ciraaq ee ku sugnaa. Iyadoo dib u qabsashada magaaladaas la sheegayaa inay timid kaddib markii muddo bil ah sahayda laga jaray xoogagga ISIS.
Howlgallada ay ciidamada Ciraaq dib ugu Qabsadeen magaalada Ramadi ayaa la sheegay inuu soo billowday horraantii bishii lasoo dhaafay; ayna si rasmi ah u soo gaba-gabowday maanta.
Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero ka helaya isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ayaa waxay bilhii lasoo dhaafay kala wareegeen kooxda ISIS magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka dalka Ciraaq, kuwaasoo xoogagga ISIL ay kala dowladda kala wareegeen bartamihii sannadkii 2014-kii.
Sidoo kale, toddobaadkii hore ayaa wuxuu wasiirka difaaca dalka Mareykanka, Ash Carter booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Ciraaq, isagoo mas’uuliyiinta dalkaas ku boorriyay inay muhiim tahay inay ISIS ka saaraan Ramadi oo ka mid ah magaalooyinka ay ISIS haysato.
“Xukumadda Mareykanka waxaa ka go’an inay ka caawiyaan howlgalka ay ku doonayaan ciidamada Ciraaq inay dib ugu qabsadaan magaalooyinka gacanta ugu jira ISIS,” ayuu yiri Ash Carter intii uu kulanku socday.
Ugu dambeyn, Magaalada Mosul ee Dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay tahay tan keliya ee hadda gacanta ugu jirta kooxda Islaamiga ah ee ISIS, iyadoo dowladda Ciraaq ay sheegtay inay billaabayso howlgallo ay dib ugu qabsanayso Mosul.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya