.jpg)
Isniin, December 21, 2015 (HOL) — Uruka Suxufiyiinta SOLJA ayaa Tababbar uga furay maanta in ka badan 20 suxufi magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaasoo lagu wado inuu dhowr maalmood socdo.
Tababarkan ayaa ah mid kor loogu qaadi lahaa aqoonta saxafiga sida uu sheegay, Cismaan Cabdinuur Xaashi oo ka mid ah ahaa aqoon-yahanada tababarkan wada, wuxuuna intaas ku daray in cilmiga saxaafada uu yahay mid wax-tar badan bulshada u leh loona baahan yahay in la ilaasho aqoonta suxufiga si looga hor tago inay qaladaad galaan.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, C/rashiid Xirsi Dalmar oo furitaankii tababarka ka hadlay ayaa sheegay inay maamul ahaan soo dhaweynayaan kor u qaadidda aqoonta hawl-wadeenadda saxaafadda.
“Waxaan hubaa in haddii suxufiyiintu helaan aqoon ku filan ay horumar dalka iyo kobcinta garaadka bulshada ka qayb-qaadan karaan. ururka SOLJA leeyahay sii kordhiya tababarada ay siinayaan suxufiyiinta gobolka Sool,” ayuu yidhi Dalmar, waxaanu suxufiyiintii maanta loo furay tababarka uu kula dardaarmay inay aqoonta ku dabaqaan shaqadooda.
Sidoo kale, C/casiis Xuseen Xasan oo ka mid ah golaha deegaanka ee Laascaanood oo isna ka hadlay xafladda ayaa u mahad-celiyey ururka SOLJA, wuxuuna ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay saxaafadda gobolka Sool iyo xilligaan, wuxuuna tilmaamay in sannadka soo socda uu rajeynayo in kaadiriin aqoon leh ay ka hawlgalaan gobolka.
Ugu dambeyn, qaar ka mid ah suxufiyiinta la tababarayo ayaa waxay sheegeen inaanay ku filayn aqoon laba maalmood ah; laakiinse loo baahan yahay waqti ka badan oo ku filan.
.jpg)
.jpg)
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool