
Isniin, December 21, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo ka hadlay shirkii uu maanta baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inaan la bixin karin xarumaha uu leeyahay baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa loo hadlayay wareejintii xaruntii hore ee baarlamaanka Somalia, ayaa waxaa lagu dhageystay warbixin ay soo diyaariyeen guddiga maaliyadda ee baarlmaaanka Somalia; Taasoo lagu sheegay inaysan jirin in la Wareejiyay xaruntii hore ee baarlamaanka, iyadoo warbixintaan lagu xusay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ka dalbaday ganacsade Soomaaliyeed inuu dayactiro, isla markaana laga dhigo goob loo dalxiis-tago.
Sidoo kale, Guddiga Maaliyadda baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhismihii hore ee baarlamaanka lagu wareejiyo silig, lagana ilaaliyo qashinka, si aanay mar kale u dhicin inay noqoto goob qashinka lagu daadiyo.
Intaas kaddib ayuu Jawaari sheegay in howsha nadiifinta dhismihii hore ee baarlamanka uu baarlamaanku qabanayo, aysanna cid kale ka doonayn inay howshaas u qabato, wuxuuna u mahad-celiyay maamulka TV-ga Universal oo horay loo sheegay inay nadiifinayaan, ayna dayac-tirayaan.
“Waxaa u mahad-celineyaa maamulka Telefishinka Universal, balse waxaan sheegeynaa in baarlamaanka uu isaga xaruntiisa nadiifsanayo,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari oo meesha ka saaray heshiiskii Duqa Muqdisho kula galay milkiilaha Universal in uu Ex-baarlamaan nadiifiyaan, uuna dayactir ku sameeyo.
Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya loo baahan yahay in lala socdo hantida ma-guurtada ah ee baarlamaanku leeyahay, wuxuuna xusay in diiwaanka la geliyo in goobahaas aan cidna lagu wareejin karin iyadoo ogolaasho aan looga haysan baarlamaanka Somalia.
“Waxaa doonayaa inaan caddeeyo in hantida ma-guurtada ee baarlamaanku uu leeyahay oo kala ah; xarunta baarlamaanka ee aan fadhinno, Beerta Xoriyada iyo Xarunta aan hadda ka hadlayno ee ex-baarlamaan, waana in diiwaanka la geliyo, isla markaana Dowladda Hoose ama gobolka Banaadir lagu wargeliyo inuusan bixin karin,” ayuu yiri Prof. Jawaari.
Ugu dambeyn, Bishan 11-keedii ayay ahayd markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale uu sheegay in xarunta hore ee baarlamaanka laga dhigayo goob loosoo dalxiis tago, taasoo ay xildhibaannada baarlamaanka FS diideen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya