
Isniin, Oktoobar 27, 2014 (HOL) — Xarunta maamulka Puntland ee Garowe waxaa lagu wadaa in bartamaha bisha November ee soo socota ay ka dhacdo xaflad ballaaran oo lagu caleema saarayo nabadoonka beesha Geri Koombe ee Punltand nabadoon Cabdisalaam Jaamac Faarax.
Waxgaradka iyo odayaasha beesha ayaa kulan ay magaalada Boosaaso dhowaan ku yeesheen ku ku go'aamiyey in Cabdisalaam Jaamac Faarax noqdo nabadoonkooda. Xafladda caleema saarka waxaa kasoo qayb geli doona Isimo, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, xildhibaano iyo marti sharaf kala duwan oo laga casumay qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xafladan waxaa sidoo kale la filayaa inay kasoo qayb galaan xubno ka tirsan qurbe joogta beelaha Geri Koombe, xubnahaasoo ka kala imaan doona dalalka Yurub, Maraykanka iyo Australia.
Gudiga qaban qaabada caleema saarka nabadoonka ayaa kala ah:
- Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Wadaad Yare), Gudoomiye
- Maxamed Muuse, xubin.
- Cali faarax Yuusuf, xubin.
- C/Laahi Caafi Muumin, xubin.
- Ilyaas Xasan Wacays, xubin.
- Maxamuud Cabdi Faarax , xubin.
- Faarax Tallan, xubin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online[email protected]
Puntland, Soomaaliya