Shirkaas oo madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Camey shir gudoominayey, waxaa markii uu soo gaba gaboobay laga soo saaray war-murtiyeed shan qodob ka koobnaa.
War-murtiyeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaarey Hiiraan Online waxaa lagu sheegay in Puntland si aad ah uga xun tahay khilaafka soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada lagu xalinayo khilaafkaas iyadoo beesha caalamkana loogu baaqay inay arintaas kaalintooda ka qaataan.
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA:
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
.jpg)
