Fatixa Saruur oo Kismaayo timid iyo deeq la geeyay Deegaanadii la Qabsaday
Khamiis, 06 November, 2014 (HOL) :-Wafdigan ay horkaceeysay kuixgeenka wakiilka Qaramada MIdoobay u qaabilsan Soomaaliya Miss Fatixa Saruur ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo wafdigani uu kulan la qaatay madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulankan oo qaatay ku dhawaad mudo hal saac ah ayay saxafaddu dibadjoog ka ahayd, waxaana markii uu soo dhamaaday kulanka saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweeynaha maamulka Jubba iyo ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Fatiha Saruur.
Madaxweeynaha maamulka Jubba Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in Mrs. Fatixa Saruur ay waxyaalo badan ka qabatay deegaanada Jubooyinka gaar ahaan waxaa uu sheegay in kaalin ay ka qaadatay dhinacyada dib u heshiisiinta.
Madaxweeynaha ayaa ku amaanay Mrs. Fatixa dhammaan howlihii ay ka qabatay Jubooyinka, wuxuuna xusay in uu ku faraxsanyahay in maanta ay sagootiyaan Mrs. Fatiha oo la filayo in dhawaan ay isaga tagi doono shaqada ay imika heeyso.
Mrs. Fatixa Saruur ayaa dhankeeda ku ammaantay maamulka Jubba dadaallada ay geliyeen dhinacyada dib u heshiisiinta iyo weliba howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan Jubooyinka.
Dhinaca kale, maamulka Jubba ayaa deeq raashiin gaarsiiyay deegaanadii dhawaan lagala wareegay xarakada Al-shabaab ee waqooyiga gobolka J/hoose, halkaasoo ay ku noolyihiin dad danyar ah oo u baahnaa in loo gargaaro.
Deeqdan oo isugu jirtay Bur iyo Sokor ayaa la gaarsiiyay deegaanada Goobweyn, Qaamqaam, yoontooy iyo weliba deegaanka Buulogaduud, waxaana raashin qeybinta ka faa’ideystay qoysas aad u badan oo ay heysteen dhibaatooyin dhanka nolosha ah.
Gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo Mudane Cabdi Ibraahim Cabdi oo saxaafadda kula hadlay deegaanka Buulogaduud oo kamid ah goobihii la gaarsiiyay deeqda raashiinka ah ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in mudo dheer kadib ay maanta gaargaar soo gaarsiyaan dadka ku nool deegaanada waqooyi ee gobolka J/hoose.
Masuulkan ayaa sheegay in baahida dadka ku dhaqan deegaanada ay maanta deeqda gaarsiiyeen ay ka jirto baahi aad u ballaaran waxa uuna ka codsaday hay'adaha samafalka in ay usoo gurmadan dadka ku dhibaateeysan deegaadaasi.
Gaargarkan bini’aadanimo ee maanta la gaarsiiyay dadka danyarta ah eek u nool deeganada gosha ee dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada maamulka jubba oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ay isku horfadhiyaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka J/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha France ee Somalia
- Mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia oo loo gudbiyay Baarlamaanka
- Sannad-guuradii 15 ee Aasaaska Jaamacadda SIMAD oo Muqdisho lagu Xusay
- Dowladda FS iyo Maamulka 6-da gobol oo heshiis ku kala saxiixday Baydhabo
- Wafdi ka socda QM oo maanta socdaal ku tagay degmada Jowhar (SAWIRRO)
- Uganda oo Shaqada ka Joojisay Saraakiil ku lug yeeshay Kufsigii Soomaaliya
- Wakiillada Puntland oo u yeeray Madaxweyne Cabdiweli Gaas & Wasiirradiisa
- Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Addis Ababa
- Ciidamada amniga oo hawlgallo ka sameeyey Dharkeynley iyo Sheekh la dilay