Khamiis, November 06, 2014 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada nabad-sugidda Somalia ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay wadaad caan ka ahaa degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.
Askariga dilka geystey wuxuu qayb ka ahaa ciidamo xalay xaafada Kaawo Godey ka sameynayey hawlgallo guryaha lagu baarayo si gacanta loogu soo dhigo hubka sharci darrada ah iyo dadka geysta falalka ammaanka liddiga ku ah.
Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in wadaadka geeriyoodey oo ku jirey dugsi quraan oo habeenkii duruus diini ah ka marin jirey lagu amray inuu dibadda usoo baxo kadibna la toogtey.
Gudoomiyaha degmada Dharkeenley Aadan Maxamed Cumar ayaa xaqiijiyey in falkaasi dhacay, wuxuuna sheegay in gacanta lagu dhigay askarigii dilka geystey xiliganna baaritaan lagu wado.
Hawlgallada ammaanka laga sugayo ee maalmihii u dambeeyey laga wadey qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa lagu soo qabtay in ka badan 70 qof iyo hub tiro badan oo isugu jira qoryaha fudud iyo miinooyin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada amniga oo hawlgallo ka sameeyey Dharkeynley iyo Sheekh la dilay
More News
- Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha France ee Somalia
- Mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia oo loo gudbiyay Baarlamaanka
- Sannad-guuradii 15 ee Aasaaska Jaamacadda SIMAD oo Muqdisho lagu Xusay
- Dowladda FS iyo Maamulka 6-da gobol oo heshiis ku kala saxiixday Baydhabo
- Wafdi ka socda QM oo maanta socdaal ku tagay degmada Jowhar (SAWIRRO)
- Fatixa Saruur oo Kismaayo timid iyo deeq la geeyay Deegaanadii la Qabsaday
- Uganda oo Shaqada ka Joojisay Saraakiil ku lug yeeshay Kufsigii Soomaaliya
- Wakiillada Puntland oo u yeeray Madaxweyne Cabdiweli Gaas & Wasiirradiisa
- Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Addis Ababa