Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Kaddib kulan maanta magaalada Beledweyne ay ku yeesheen gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayeey ku doorteen guddoomiye cusub oo noqonaya nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo horay uga mid ahaa gollaha odayaasha oo ka kooban 63 xubood.
Madasha lagu doortay nabadoon Dacar waxaa joogay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, saraakiil ka soctay ciidamada AMISOM iyo inta badan gollaha odayaasha dhaqanka ee doortay guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha oo hadal jeediyay ayaa sheegay in si daacad ah uu u gudan doono waaji-baadka la saaray, kuna hogaamin doono gollaha odayaasha wadada nabada iyo ka shaqeynta masaaliixda guud ee umadda ku dhaqan gobolka.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyada maamulka Beledweyne Bashiir Xusseen Dhoore oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraaday muhiimada odayaasha dhaqanka u leeyihiin nabada iyo doorka kaga jiraan bulshada, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub.
Sarkaall ka tirsan ciidamada AMISOM oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in uu jiro xiriir gaar ah oo ciidamada kala dhaxeeya odayaasha dhaqanka marar badanna ka wadda shaqeeyen arrimo la xiriira dib-u-hishiinta iyo soo celinta nabada, iyaga oo dhinaca kalana soo dhaweeyay hogaanka cusub.
Inkastoo la sheegay in doorashadan ku mideysan yihiin 63 xubnood ee uu ka kooban yahay gollaha, ayaa haddana waxaa fadhiga ka maqnaa tiro odayaal ah oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha xilka laga qaaday nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya