
Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Afar askari oo ka mid ah ciidmada maamulka Jubba ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen, kaddib shil gaari oo ka dhacay deegaanka Luglow oo 20-km dhinaca waqooyiga kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dhimashada askartan iyo dhaawacyada ayaa la keenay isbitaalka weyn ee Kismaayo, halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo howlwadeennada isbitaalka degmada ay sheegeen in dhaawacyadu ay isugu jiraan kuwo halis ah iyo kuwo fudud.
Gaariga rogmaday oo ahaa mid ka mid ah kuwa ciidamada ayaa la sheegay inuu kusii jeeday deegaanka Buulo-guduud oo fariisin u ah ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga rogmaday uu ka dagayay dalcad uuna si lama filaan ah u rogmaday isagoo xowli ku socday, mana jiro mas’uul ka mid ah kuwa maamulka Jubba oo weli ka hadlay shilka.
Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan Buulo-guduud oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo, halkaasoo ay kala wareegeen bishii aan soo dhaafnay xoogagga Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya