Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) —Wafdi uu horkacayo safiirka Turkiga u
jooga Soomaaliya Kani Torun ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee
xarunta maamulka Puntland, waxayna madaxtooyada kulan kula qaateen
mas'uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Puntland gaar ahaan Madaxweyne
Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.
Markii uu kulanku soo gaba
gaboobay ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweyne
C/wli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Kani Torun. Madaxweynaha oo hadalka
ku horreeyey ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii ay wafdiga
Turkiga ka socda ka wada hadleen.
Wuxuuna ugu horreyn sheegay in
dowladda Puntland ay farxad weyn u tahay booqashada uu Garoowe kusoo
gaaray Kani Torun oo C/weli Gaas uu sheegay in isaga ay si khaas ah
saaxiibo isku fiican u yihiin.
Mar uu ka hadlayey arrimaha ay
kulankooda iskula soo qaadeen wuxuu sheegay, in ay ugu muhiimsanaayeen:
xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii uu Turkigu Puntland uga
taageeri lahaa dhinaca horumarka, gaar ahaan teyeynta adeegyada
caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Danjire Kani oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa sheegay inuu si aad ah
ugu faraxsan yahay booqashada uu kusoo gaaray Puntland, wuxuuna
dowladda iyo dadweynaha Puntland uga mahadceliyey sida diirran ee ay
usoo dhoweeyeen.
Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Turkigu uu mashaariic
horumarineed oo ballaaran ka fulin doono Puntland, isagoo soo hadal
qaaday in dowladda Ankara ay qorsheynayso inay xafiis ka furato
magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wafdiga Turkiga
ayaa isla maanta booqday xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada
Garoowe, waxaana goobaha ay tageen kamid ah: Jaamacadda PSU, Dugisaga
Sare ee Gambool iyo weliba Dugsiga Farasmada Gacanta ee Garoowe.
Booqashada
uu safiirka Turkiga u jooga magaalada Muqdisho ku yimid Puntland ayaa
ah tii ugu horreysey ee uu kusoo gaaro, laga soo bilaabo markii
madaxweynaha Puntland loo doortay C/weli Maxamed Cali Gaas.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe
More News
- Wufuud Caalami ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Soomaaliya
- Al-shabaab oo shacabka ka dalbatay inay gacan ku siiyaan dagaalka
- Dowlada Somalia oo lagu koontarooli doono hubka ay soo iibsanayso
- Muun-gaab oo la kulmay Shaqaalaha Maamulka Gobolka (SAWIRRO)
- Gaas oo ku baaqay in AMISOM la keeno Xadka Puntland iyo G/Dhexe
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u jeediyay hay'adaha Samafalka
- Wiil uu dhalay Col. Qadaafi oo loo Gacan-geliyay Xukuumadda Liibya
- Khasaare ka dhashay rasaas lagu furay gaari Boosaaso ka tegey
- Kulan looga Hadlayay Xuquuqul Aadanaha oo lagu qabtay Kismaayo
- Waran-cadde oo Sheegay in la Qabtay Gacan ku Dhiigle dilay Taliye
- Kulan Amniga looga Hadlayay oo Xalay ka dhacay Degmada Wadajir
- Muddada Qafiifinta Cunno-qabteynta Hubka Somalia oo la kordhiyay