Khasaare ka dhashay rasaas lagu furay gaari Boosaaso ka tegey
Khamiis, Maarso 06, 2014 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe la rasaaseeyey gaari ay dad rakaab ahi la socdeen oo ka tegey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuna sii jeeday degmada Xiriiro oo ka tirsan gobolka Karkaar. Goobta gaariga lagu rasaaseeyey oo ku taal buuraleyda Xajiin laguna magacaabo Karinta, waxay hoos tagtaa degmada Isku-shuban.
Caaqil Ciise Siciid Faarax (Buur-madow) oo ka tirsan odayaasha deegaanka Xiriiro ayaa ka warbixiyey tacshiiradda xalay gaariga la huwiyey, khasaaraha ay geysatay iyo weliba sababta gaariga loo rasaaseeyey.
Wuxuuna sheegay in falkani uu yahay mid la xiriira anooyin qabiil oo in muddo ah soo jiitamayey una dhexeeya labo beelood oo gobolka wada dega. Mar uu ka hadlayey khasaaraha wuxuu sheegay in weerarkaas uu hal qof ku dhintay afar qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Qofka geeriyoodey ayaa ahayd haweeney uur leh. Saddexda qof ee dhaawaca ah oo midkood ay xaaladdiisu halis tahay, waxaa loo qaaday dhinaca magaalada Boosaaso, waxaana xilligan lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada.
Mas'uuliyiin dowladda ka tirsan, Odayaal, aqoonyahanno iyo culimaa'uddiin ayaa gelinka dambe ee maanta ku bixi doonto goobta uu falku ka dhacay si ay xaaladda u qaboojiyaan. In ka badan 50 qof ayaa ku geeriyoodey dagaal beeleedyo soo noqnoqday oo tan iyo sannadkii 2008 ka dhacayey deegaanno ka kala tirsan gobollada Bari iyo Karkaar, dagaalladaas oo marar badan soo noqnoqday, waxay u dhexeeyaan beelo walaalo ah oo gobolka wada dega.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
.
More News
- Wufuud Caalami ah oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Soomaaliya
- Al-shabaab oo shacabka ka dalbatay inay gacan ku siiyaan dagaalka
- Dowlada Somalia oo lagu koontarooli doono hubka ay soo iibsanayso
- Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe
- Muun-gaab oo la kulmay Shaqaalaha Maamulka Gobolka (SAWIRRO)
- Gaas oo ku baaqay in AMISOM la keeno Xadka Puntland iyo G/Dhexe
- Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u jeediyay hay'adaha Samafalka
- Wiil uu dhalay Col. Qadaafi oo loo Gacan-geliyay Xukuumadda Liibya
- Kulan looga Hadlayay Xuquuqul Aadanaha oo lagu qabtay Kismaayo
- Waran-cadde oo Sheegay in la Qabtay Gacan ku Dhiigle dilay Taliye
- Kulan Amniga looga Hadlayay oo Xalay ka dhacay Degmada Wadajir
- Muddada Qafiifinta Cunno-qabteynta Hubka Somalia oo la kordhiyay