Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Madarasadani cusub oo howsheedu maalmahii ugu dambeeyey ay ka socotey Tuulada Serinley oo ka tirsan degmada Baardheere ayaa loogu tala galay in ay wax ka bartaan ardey tiradoodu ay gaareyso ilaa 100 ardey,kuwaasi oo mudo 2 sano ah baran doona dauus ay ka mid yihiin, Taxfiidka Quraanka, Tafsiirka Quraanka, Barashada, Axaadiista, Cilmiga, Taariikhda, Juquraafiga, Xisaabtaiyo Luqadaha sida Carabiga, Ingiriiska iyo Barashada Computarka.
Xafladii lagu furayey Madarasadani cusub ee Cumar Binu Khadhaab oo ka dhacdey Xarunta madarasada ee Tuulada Serinley ayaa waxaa ka soo qeyb galey Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Waalidiinta Ardeyda, Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Magaalada Baardheere iyo dadweyne kale, iyadoo dhamaan xubnahii ka hadley Xaflada ayaa waxay ku dheeraadeen Faa'idada madarasadani ay u leedahay dhalaanka soo koraya ee baranaya diinta Islaamka.
Xubanhii ka hadley Xaflada furitaanka madarasada Cusub oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Faarax Hire Guhaad,Nabadoon Xuseen Cali Biixi, Nabadoon Cabdi Gaaciye shide iyo Nabadoon Cali Yuusuf(Cali Ganey) ayaa waxay sheegeen madarasadani ujeedada loo dhisey in ay la xariirto sidii ubadka soo koraya loogu taageeri lahaa Barashada diinta islaamka,Tarbiyada iyo Aqlaaqda wanaagsan.
Hergelinta Madarasadani ayey sheegeen Odoyaashu in ay tahay mid ay si iskooda ah ay isugu xilqaameen Odoyaasha dea ugu baaqeen shacabka u dhashay deegaanada gobolka Gedo in ay ku daydaan talaabooyinkan caynkan oo kale ah, islamarkaana ay qaadaan talaabada noocani oo kale ah,iyagoona sidoo kale ka Codsadey Jaaliyada dibada ee ka soo jeeda Gobolka Gedo in ay ka qayb qaataan horomarinta Madarasan Cusub ee wanaagsan.
Madaradan cusub ee Cumar Binu Khidhaab ayaa waxay Noqonaysa machadkii ugu horeeyey ee laga hergeliyo deegaanka Sirinleey oo hoostaga degmada Baardheere, kaasoo lagu baran doono shareecada islaamka iyo ku dhaqankeeda.
FG: Waxii faah-faahin oo dheeri ah kala xariir. Nabadoon Faarax Hire Guhaad Tel.+252615811660 ama Emailkan. [email protected]
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Madarasad diini ah oo markii ugu horeeysay laga hirgeliyay Sirinleey
More News
- Xaflad lagu Taageerayay Maamulka Puntland oo ka dhacday Virginia
- Kooxo hubeysan oo Hooyo iyo Carruur ay dhashay ku dilay G/Mudug
- Al-shabaab oo Maanta Saddex Ruux ku Toogatay Degmada Baraawe
- TARSAN: Waxaa jira gaadiid naloogu deeqay oo aanan ogeyn meel...
- Kulan looga hadlayay Burcadbadeednimada oo Muqdisho lagu qabtay
- Ra'iisul Wasaaraha iyo ganacsatada Imaaraadka oo kulan yeeshay
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xilka la Wareegay (SAWIRRO)
- Axmed Madoobe oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya
- AMISOM oo Taageertay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo
- Ra’iisul Wasaare C/weli oo la Kulmay R/Wasaare ku Xigeenka UAE
- Hay’adaha Amniga oo sheegay inay adkeynayaan Amniga Muqdisho
- Dowlada oo diiday doorashadii Nuunow kana digtay rabshado dhaca
- Kulan fikir-is-weydaarsi oo dhex maray Soomaalida Minneosta iyo Ontario