Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — Talisyada booliiska iyo
nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan
ammaan-xumada Muqdisho kusoo korortay, iyagoo shacbka ka dalbaday inay
gacan ku siiyaan sugidda amniga.
Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) oo ah taliyaha booliiska
Soomaaliya ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in degmooyinka
gobolka Banaadir la dhigay askar badan oo ka tirsan booliiska si ay
ammaanka u adkeeyaan.
“Waxaan saacadihii lasoo dhaafay ciidammo geynay degmooyinka gobolka
Banaadir iyo koontaroollada iyadoo ciidamada la amray in si casireysan
ay u baaraan dadka iyo gaadiidka laga shakiyo,” ayuu yiri Jen. Saacid.
Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in howlgalladan ay yihiin kuwo lagu
xoojinayo ammaanka, isagoo xusay inay ciidamada gacan ka helayaan
ururrada bulshada ee kala duwan, sida haweenka iyo dhallinyarada.
“Xafiis weyn oo laga hoggaaminayo howlgallada lagu sugayo ammaanka guud
ee dalka gaar ahaan Muqdisho ayaan sameynay, halkaasoo ay shacabku
lasoo xiriiri karaan haddii ay arkaan dhibaatooyin,” ayuu mar kale yiri
Jen. Saacid.
Dhanka kale, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed, Jen.
Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo isaguna la hadlay
warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada nabadsugiddu ay u howlgalayaan
sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka ay Al-shabaab ka geysanayso
Muqdisho.
“Falalka Al-shabaab ee kusoo kordhay Muqdisho ma ahan mid awood ahaan
ay dib ugu soo laabteen, balse waa qaybtii ugu dambeysay awooddooda oo
waxay la mid yihiin sidii neef rafanaya,” ayuu yiri Jen. Bashiir Goobbe.
Isagoo sii hadlaya ayuu jeneraalku sheegay in ciidamada nabadsugidda oo
gacan ka helaya shacabka Soomaaliyeed ay u diyaar-garoobeen sidii
fallaka Al-shabaab ay ka geysato Muqdisho loo joojin lahaa.
“Howlgallo ayaa billowday, waxaana ballan-qaadanaynaa inaan ka
hortagayno wixii dhibaato ah ee ay Al-shabaab doonayso inay ka geysato
Muqdisho, waxaana Alle ka baryaynaa inuu ka badbaadiyo dhibaatadooda
shacabka Soomaaliyeed ee waxgalka ah,” ayuu taliyaha nabadsugiddu mar
kale yiri.
Ugu dambeyn, taliyaha nabadsugidda ayaa shacabka ka dalbaday inay u
ciidamada nabadsugidda u soo gudbiyaan xogaha ay helaan ee ku saabsan
Al-shabaab, uuna qof walba oo warbixin ka keena muteysan doono
abaalmarin, iyadoo magaciisa iyo halka uu daggan yahay la qarin doono.
Hadalka kasoo baxay ha’yadaha ammaanka dowladda Somalia ayaa imaanaya
xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka dhacayeen falal isugu jira
qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay’adaha Amniga oo sheegay inay adkeynayaan Amniga Muqdisho
More News
- Madarasad diini ah oo markii ugu horeeysay laga hirgeliyay Sirinleey
- Xaflad lagu Taageerayay Maamulka Puntland oo ka dhacday Virginia
- Kooxo hubeysan oo Hooyo iyo Carruur ay dhashay ku dilay G/Mudug
- Al-shabaab oo Maanta Saddex Ruux ku Toogatay Degmada Baraawe
- TARSAN: Waxaa jira gaadiid naloogu deeqay oo aanan ogeyn meel...
- Kulan looga hadlayay Burcadbadeednimada oo Muqdisho lagu qabtay
- Ra'iisul Wasaaraha iyo ganacsatada Imaaraadka oo kulan yeeshay
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xilka la Wareegay (SAWIRRO)
- Axmed Madoobe oo la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya
- AMISOM oo Taageertay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo
- Ra’iisul Wasaare C/weli oo la Kulmay R/Wasaare ku Xigeenka UAE
- Dowlada oo diiday doorashadii Nuunow kana digtay rabshado dhaca
- Kulan fikir-is-weydaarsi oo dhex maray Soomaalida Minneosta iyo Ontario