Al-shabaab oo weerartay Saldhig ciidan oo ku yaal Kismaayo

Isniin, June 09, 2014 (HOL) :- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa salaadii maqrib kadib xilliga Soomaaliya weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada maamulka Jubba ku leeyihiin xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-afmadow.

Saldhigga la weeraray ayaa waxa ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Jubba, waxaana labada dhinac dhexmartay israsaaseyn xooggan oo socotay qadar daqiiqado ah.

Ilaa hadda inta la ogyahay laba askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen, mana cada qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana xaafadda uu weerarku ka dhacay baaritaanno ka wada ciidamada ammaanka maamulka Jubba.

Weerarkan qorsheeysan ee ay xoogagga Al-shabaab caawa kusoo qaadeen magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo ammaanka magaalada Kismaayo uu maalmihii u danbeeyay ahaa mid soo hagaagaya.

........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.