Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo maanta ku dhexmaray duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Mooro-gaabey oo ku dhow degmada Xudur waxaana uu qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerareen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo halkaas marayay.
Inkastoo aysan weli wax hadal kasoo saarin dagaalkan ayaa waxaa haddana laga soo xigtay dadka deegaanka in dagaalku uu ahaa mid culus ayna ciidamo badan oo labada dhinac ku dhinteen.
Al-shabaab ayaa horay go’doon u gelisay degmada Xudur, iyagoo u diiday inay galaan degmadaas gaadiidka ganacsiga, taasoo keentay in degmada Xudur oo sababay in dadka ku nool ay xaaladooda nololeed aad u xumaato.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in maydadka iyo dhaawacyada ciidamadii dowladda ee dagaalka la galay Al-shabaab la gaarsiiyay degmadaas, iyadoo aan la ogeyn askarta ka dhimatay iyo kuwa ka dhaawacmay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.
Xaaladda deegaanka Mooro-gaabeey ayaa la sheegayaa inay xasilloon tahay ayna ku sugan yihiin ciidamadii dowladda iyo kuwii AMISOM ee lagu weeraray, iyadoo xoogaggii Al-shabaabna ay dib uga baxeen goobta.
Ma jiro illaa iyo hadda hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo dagaalka ku saabsan, waxaase dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socday gobolka Bakool.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee dalka Itoobiya ka socda iyo xoogagga Al-shabaab ay dagaallo ay dad badani ku naf waayeen ku dhexmareen deegaanka Aato ee gobolka Bakool.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya