4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 5 , 2014
Murashax C/laahi Siciid Samatar oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Puntland ee shalay la doortay
Axad, Janaayo 05, 2014 (HOL) — Murashax C/laahi Siciid Samatar  oo kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka Puntland ee shalay magaalada Garoowe lagu doortay.

Murashaxa oo shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntand ayaa ugu horeyn hambalyo u diray guddoonka cusub ee loo doortay hoggaanka golaha wakiillada ee Puntland shanta sano ee soo socota.

Doorashada guddoonka baarlamaanka ayuu sheegay inay ku dhacday si hufan, isagoo ammaan iyo bogaadin u jeediyey cid kasta oo gacan ka geysatey in doorashadaasi ay si habsami ah kusoo gaba gabowdo.

Murashax C/laahi Siciid Samatar ayaa dhanka kale dardaaran u jeediyey xildhibaanada baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay in masiirka dalku uu xilligan gacantooda ku jiro, loona baahan yahay inay mas'uuliyad adag arrintaas iska saaraan.

Ugu dambeyntii, Murashax C/laahi Siciid Samatar wuxuu ka warbixiyey waxyaabaha u qorsheysan inuu qabto haddiiba uu doorashada ku guuleysto loona doorta madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socota.

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee  Puntland ayaa dhici doonta maalinta Arbacada ee ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya