Maamulka G. Hiiraan oo ka warbixiyey dad Beledweyne lagu xiray
Isniin, Feberaayo, 10, 2014 (HOL) - Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xarigga rag sheegtay in ay madax ka yihiin maamul gobolleedka la baxay Hiiraan State, oo dhawaan soo gaaray magaalada Beledweyne.
Max'ed Ibraahim oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammniga maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xabsiga la dhigay afar ruux oo sida uu hadalka u dhigay kala sheegtay madaxweyne, ku-xigeen iyo wasiirro, ka tirsan maamul lagu magacaabo Hiiraan State, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah.
''Maamul ayaa halkan ka jira, sharci darro ayeey ahayd in ay isaga dhawaaqaan wax aan jirin, qaar ka mid ah raggii la xirray waa la sii diiyay, kadib markii ay qirteen in falka ay ku dhaqaaqeeni uu khalad ahaa,'' ayuu yiri ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan ee dhinac nabad gelyada.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay in labada ruux ee kale oo ay gacanta ku hayaan maalinta berri ah ay u musaafurin doonaan magaalada Muqdisho oo sida uu sheegay markii horeba ay ka yimaadeen.
Ragga la qabtay ayaa ku doodaya in ay madax ka yihiin maamul la baxay Hiiraan State xaqna ay u leeyihiin in ay ka howlgalaan gobolka, waxaana hogaaminayey shaqsiyaadka xabsiga la dhigay Ismaaciil Cilmi Xareed (Ismaaciil Atoore) oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Hiiraan State.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.
More News
- KISMAAYO: Siyaasiyiin kasoo Horjeeday Axmed Madoobe oo Kismaayo Gaaray (SAWIRRO)
- Faahfaahin ku saabsan Mas'uul lagu qarxiyay Muqdisho (SAWIRRO)
- Golaha wasiirada Puntalnd oo kulankii koowaad yeeshay (SAWIRRO)
- Xiisaddii Golaha Wakiillada oo la danjiyay iyo dhinacyada oo kulmaya
- Ciidammo ONLF ah oo isku dhiibay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
- Shilalkii Janaayo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo laga Warbixiyay
- Mudane sheegay in ciidamada Kenya aysan kawada baxay Kismaayo
- MUQDISHO: Qarax goor dhow ka dhacay jidka Maka Al-mukarama
- Wasiirka cusub ee Dekedaha P/land oo xilka la wareegay(SAWIRRO)