Xil-wareejinta oo ka dhacday dakedda magaalada Boosaaso -oo ay ku taallo Xarunta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda- ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaradda, wasiiru dowlahii hore, guddoomiyaha gobolka Bari, duqa magaalada Boosaaso, agaasime waxeedyada wasaaradda iyo saraakiisha ammaanka ee dekadda Boosaaso.
C/majiid Samatar Maxamuud (Jaafaan) oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda dekedaha gaadiidka bada iyo la-dagaalanka iyo burcad-badeedka ayaa ugu horrayn xafladda xil-wareejinta kahadlay.
Jaafaan ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda, qorshaha wasaaradda ee shanta sano ee socota, ugu dambeyntiina dukumiintiyada wasaaradda ku wareejiyey wasiirka cusub C/laahi Jaamac Saalax, maadaama wasiirkii hore uu safar dalka dibaddiisa ah ku maqan yahay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Wasiirka cusub Cabdullahi Jaamac Saalax ayaa soo xiray xafladda, waxuuna si weyn u ammaanay mas’uuliyiintii hore ee wasaaradda isagoona sheegay in ay wax badan ka qabteen wasaarada waxna u dhimanyahiin, inta kadhimanna ay dhamaystiri doonaan.
Ugu danbayntii xafladdu markii ay soo gaba gabowday, wasiirka wasaaradda dekedaha gaadiidka badda iyo la-dagaalanka Burcad-badeeda Cabdullahi Jaamac Saalax, ayaa mid mid u kormeeray waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo xafiisyada ay ku shaqeeyaan.
Todobaadyadii u dambeeyey waxaa xilalka la kala wareegayey wasiiradda cusub ee Puntland iyo wasiirradii hore ee ku jirey xukuumaddii Madaxweyne Faroole.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya