Ciidankii uu Hoggaaminayay Barre Hiiraale oo dib loogu soo celiyay Kismaayo

Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidamadiisii oo ku sugnaa muddo sanad ka badan deegaanka Goobweyn ee duleedka Kismaayo ayaa maanta dib loo soo celiyay iyagoo la dejiyay deegaanka Madhamaato ee duleedka waqooyi ee magaalada.

Col. Barre Hiiraale iyo ciidamadiisii ayaa markii ay soo gaareen garoonka Madhamaato oo ahayd halka loo asteeyay in la dejiyo ayaa waxaa halkaasi uga sii horeeyay madax ay kamid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre, Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka dastuurka iyo arimaha garsoorka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir, wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Max'ed Cabdi Afeey, madax ka socotay beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Xasan Sheekh Cilmi (Xasan Garba-haareey) oo HOL u waramay ayaa sheegay in ciidamadii uu hogaamiyay COL Barre Hiiraale lasoo xareeyay, isagoo sheegay in hadda wixii ka danbeeyo loo diyaar garoobi doono shirka dib u hehsiisiinta ee la filayo in uu furmo.

"Barre iyo ciidamadiisii dib ayaa loo soo xareeyay, waxaana kulmay Madaxweynaha Jubba iyo Col. Barre, way wada hadleen, aad ayay isu marxabeeyeen, waxayna sheegeen in ay is cafiyeen, " ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo ku sugnaa wasiiro, madax ka socotay IGAD iyo Beesha Caalamka, waxa ayna wadeen dadaallo la doonayay in lagu soo xareeyo Barre Hiiraale iyo ciidamadii uu hogaamiyay ee ku sugnaa Gooweyn.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com  
Kismaayo-Soomaaliya