Sabti, Ogoosto 30, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka duullaan ku qaaday deegaanka Buulo-mareer iyo degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose kuwaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Siiddii ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in weerarka ay ciidamadu ku qaadeen deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab.
“Saaka ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka dhaqaaqeen goobihii ay kaga sugnaayeen gobolka Shabeellada Hoose, waxayna ku wajahan yihiin degmada Baraawe iyo deegaanka Buulo-mareer,” ayuu yiri Siiddii.
Howlgalkan oo ah wajigii labaad ee howlgallada lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro deegaannada ay gacanta ku hayso sida ay sheegeen madaxda dowladda iyo kuwa AMISOM ayay ugu magac-dareen Indian Ocean ama bad-weynta Hindiya.
“Buulo-mareer waxaa loo jiraa wax ka yar 20-km, waa goobta lahaad ee ugu weyn ee ay Al-shabaab gacanta ku hayso oo aan doonayno inaan ka saarno, ciidamaduna ma joogsan doonaan,” ayuu hadalkiisa ku dagay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka saaka oo la sheegay, balse goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow kuwa uu dagaalku ka socdo ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalku yahay mid culus.
Dhanka kale, shabakad ka mid ah kuwa taageera Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaallo culus ay ka socdaan deegaanno u dhexeeya Buulo-mareer iyo Shalaanbood, ayna xoogagga Al-shabaab iska difaaceen ciidamada huwanta ah.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan madaxda iyo saraakiisha dalka ioy kuwa AMISOM ay sheegeen inay billaabayaan wajigii labaad duullaanka ay ku doonayaan inay Al-shabaab uga saaraan deegaannada ay gacanta ku hayso.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya