
Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar uu magaalada Kismaayo ku joogay muddo siddeed maalmood ah, ayaa sheegay in safarkiisii Kismaayo uu ku tagay uu ahaa mid la xiriiray qorshaha xukuumadda ee dib u heshiisiinta.
Mudane C/weli Sheekh oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay inay ka gaareen socdaalkoodii guul la tabaan karo oo gundhig u noqon karta nabad ku wada-noolaanshaha bulshooyinka Jubbooyinka.
“Socdaalkii Kismaayo wuxuu astaan u ahaaa ka miro dhalinta dib u heshiisiinta dalka, taasoo qayb ka ah siyaasadda xukuumadda, waxaana kasoo hoynay guulo la taaban karo, waxaana dadka Jubbooyinka oo aan la kulanay ka muuqatay hilow ay u qabaan nabad kuwada-noolaasho iyo inay garab-istaagaan dowlada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiweli.
Ra’iisul wasaaraha oo billaabay safarkiisa Kismaayo 12-kii bishan ayaa intii uu ku sugnaa wuxuu kulammo joogto la yeelanayay maamulka KMG Jubba, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, hoggaamiyayaasha diinta, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshooyinka Jubbooyinka, isagoo xoogga saarayay sidii ay shacabku nabad ugu wada noolaan lahaayeen. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xiriir la samaynayey saraakiil iyo ciidammo ku sugna duleedka Kismaayo, si uu ugu qanciyo inay magaalada kusoo laabtaan.

Sidoo kale, waxaa safarka qayb ka ahaa u kuur-gelidda xaaladda iyo nolosha dadka, isagoo kormeeray qaybo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee Kismaayo, sida dhisme loo diyaarinayo baarlamaanka iyo wasiirrada maamulka KMG Jubba, dekedda, isbitaalka guud, iskoolka H/Dhexe ee Ganaane iyo dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha, isagoo dhanka kale xariga ka jaray bankiga dhexe ee uu yeelan doono maamulka Jubba. Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray horumarka ballaaran ee la sameeyay, isagoo ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha dowladda dhexe iyo dadka reer Jubba in la taageero nabadda, horumarka iyo dadaallada socda.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare C/weli ayaa safarkiisa shaqo ee Kismaayo kusoo gabagabeeyay munaasabad ay kasoo qab-galeen madax dhaqameedyada, wax-garad, haweenka culumada, ayna goob-joog ka ahaayeen hoggaamiyaha Jubba, Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha wasiirrada dawladda Somalia, xildhibaanno, safiirro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska UNSOM, isagoona kula dar-dardaarmay dadka Jubbooyinka inay is cafiyaan, colaadda daashatay goboladaasna lagu badalo nabad iyo wada-noolaansho.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya