Dowladda Imaaraadka oo Qalab ugu Deeqday Ciidamada Ammaanka Somalia


Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Dowladda Imaaraadka carabta ayaa qalab kala gaddisan maanta ugu deeqday ciidamada ammaanka Soomaliya. Deeqdan oo isugu jirata, direyska ciidamada iyo gaadiid ayaa waxa danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya uu ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Safiirka Imaaraaaka, Maxamed Al-Cuthmaan oo ka hadlay xafladdii deeqdan lagu wareejiyay ayaa yiri: “Deeqdan waxay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraadku ugu jirto inay kaalin ka qadato nabad iyo xasillooni kusoo celinta Soomaaliya, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab.”

Sidoo kale, danjiraha ayaa yiri: “Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, taageeradaasoo dhinacyo kala duan lahaan doonta, ha ahaato mid amni, mid millatari, mid dhaqaale iyo mid hurumarneed.”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay isaguna xafladda guddoonsiinta qalabka ayaa u mahad-celiyay Imaaraadka isagoo yiri: “Deeqdan ay dowladda aan walaalaha nahay  ugu deeqday ciidanka nabad-sugidda Qaranka waxay qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee dowladda Imaaradku la garab-taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaalia.”

Jen. Bashiir ayaa intaa raaciyay: ”Dowladda Imaaraadka ma ahan deeqdii ii ugu horreysay ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad-sugidda ee waxaa jira taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii lasoo dhaafay sida safiirkuba u sheegay, taasoo wax weyn ka tartay wax-qabadaka ciidammada ammaanka iyo tayeyntooda.”

Dowladda Imaaraadka ayaa kawadda Muqdisho iyo gobollada dalka, mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin: dhismaha isbitaallo, xarumo millatari, xarumo maamul iyo mashaariic bani’aadannimo oo kaalmo loogu fidinayo, dadkii kasoo barakacay gobollada dalka qaarkood iyo dadka ku waxyeellobay daadadka iyo dabeylaha ku dhiftay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) - Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Rugcadaa Taariikh ku leh Ciyaaraha Sportska Soomaaliyeed xiliyadii Bari samaadka.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa qoxootigii ugu horreyay oo ay tiradoodu ka badan tahay 280-qof dib ugu celisay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta waxaa mar kale ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo daacad u ah guddoomiyaha degmadaas iyo ciidammo booliiska iyo nabadsugidda ahaa oo ka tagay Muqdisho qorshahooduna ahaa inay soo qabtaan guddoomiyaha.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in tubta lagu gaarayo inay ka dhacdo Soomaaliya doorasho xor ah sannadka 2016-ka ay jiraan caqabado hor-taagan, isla markaana dowladda Somalia laga doonayo in xilligaas ka hor ay maareyso caqabdaha taagan.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar uu magaalada Kismaayo ku joogay muddo siddeed maalmood ah, ayaa sheegay in safarkiisii Kismaayo uu ku tagay uu ahaa mid la xiriiray qorshaha xukuumadda ee dib u heshiisiinta.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in sannadkani ay amba-qaadi doonto wasaaradda howlo badan oo horyaalla, isla markaana uu u noqon doono sannadkan mid ay qabtaan howlaha ugu badan ee horyaalla.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu daah furayay xarun cusub oo magaalada Beledweyne ay ka hergalisay shirkada daabacaada guud ee SIGNJET ayaa manta lagu qabtay xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa ka soo horjeestay dadaaladii dib u heshiisiinta ee uu ra'iisul wasaare C/weli Sheekh uu ka wado magaalada Kismaayo isagoo ku goodiyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro maamulka Jubba ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah madaxda dhaqanka gobolka Sool oo ay wehelinayaan wasiirka maaliyadda ee Maamulka Khaatumo iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyey wada hadal uga socday dalka Jabuuti, ayaa ku heshiiyey in dalka gudihiisa ku dhameeyeen wixii khilaaf dhexdoodda yaallay.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee boqortooyada Saudi Arabia u fariisanaya Soomaaliya.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Munaasabad uu xilka ku wareejinayay hoggaankii hore ee ururka ardayda ka qalin-jabisay Jaamacadda Banaadir isla markaana lagu caleemo saarayay hoggaanka cusub ee ururkaas ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Hay'adda ICRC ayaa soo saartay warbixin ay ka hadashay xaaladda biyaha Somalia, waxayna warbixinta tilmaamaysaa in dhibaatada biyo la'aanta ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo qaylo-dhaan biyo la’aaneed ay ka imaanayso xilligan degmada War-sheekh ee gobolka Shabeellad dhexe.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Xildhibaannada golaha deegaanka Gaalkacayo ayaa shalay si rasmi ah u doortay duqa degmada Gaalkacayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo kala ah C/casiis Maxamed Guuleed (Nugaal) oo noqday duqa Gaalkacayo halka ku xigeenkiisana loo doortay, Yacquub Maxamed Cabdalla.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Keyatta iyagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee lagu qab-qabto howlgallada ka socda Nairobi.

Sabti, Abriil 19, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cabdi Jiinoow Calasow ayaa sheegay in ciddii ka dambeysay dagaalkii shalay ka dhacay Balcad la hor-keeni doono maalmaha soo socda sharciga.

Somali News

4/19/2014 12:24 PM EST
The United Nations, which said Friday at least 58 people were killed in an attack against one of its bases in South Sudan, has been the target of several attacks in the past decade.

4/19/2014 12:11 PM EST
Former Somali warlord defense minister Colonel Barre Aden Shire popularly known as (Hiiraale) accused the Interim Jubba Administration (IJA) of what he termed as ‘widespread’ killings and rape against local people in the southern Jubba regions.

4/19/2014 11:53 AM EST
The United Arab Emirates has donated battle wagons and other equipment to Somali National security and intelligence agency on Saturday as part of the Arab government’s assistance to the war-weary country.

4/19/2014 11:49 AM EST
At least 14 people have been hospitalised after an outbreak of watery diarrhoea in the town of Abudwaq which is located in the mid west of central Somali region of Galgadud, officials confirmed to local media on Saturday.

4/19/2014 11:46 AM EST
The governor of Middle Shabelle region Engineer Abdi Jinow Alasow threatened that his administration will punish those who were behind the deadly fighting in the Bal’ad district in the region which engulfed the lives of nearly 10 people on Friday.

4/19/2014 4:12 AM EST
Familiar terrorist groups, familiar threats, familiar boasts and grievances -- all in new messages tied, either directly or indirectly, to al Qaeda.

4/19/2014 3:58 AM EST
Philadelphia, PA - Following an intense selection process, Edna Adan has been named the inaugural recipient of the University of Pennsylvania School of Nursing Renfield Foundation Award for Global Women’s Health.

4/19/2014 12:57 AM EST
NAIROBI: If you have a beard or wear loose-fitting clothing associated with Muslims, you will be targeted, Omar bin Omar says as police carried out a security sweep of Somali neighborhoods amid alleged police abuses.

4/19/2014 12:41 AM EST
MOGADISHU, Somalia-- Mustaf Hussein Abukar wanted a better life for his younger brother, in Europe. Instead, he got an encounter with a human-smuggling racket that nearly bankrupted his family, a common story in this East African nation and across the continent.

4/19/2014 12:39 AM EST
Newly released documents from the Bill Clinton library provide a fascinating look at how the administration dealt with Somalia before, during and after the disastrous battle of Mogadishu, also known as Black Hawk Down, which resulted in the deaths of 18 U.S. troops and outraged the nation.

4/19/2014 12:30 AM EST
Thirty-two people were arrested in the sweep, including the mother of a 4-month-old child who was hastily tossed into the arms of a relative. When that relative presented the baby to the crowd, there was an angry roar.
Click here