Maxkamadda G. Nugaal oo amartay in dib loo celiyo 53 qof oo tahriibeyaal ah
Arbaco, Abriil 16, 2014 (HOL) — Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta amar ku bixisay in dib halkii ka yimaadeen loogu celiyo in ka badan 50 qof oo tahriibayaal ah.
Tahriibayaasha oo u dhashay dalka Itoobiya, waxaa shalay degmada Dangorayo ku qabtay ciidamada ammaanka ee gobolka Nugaal, xilli ay doonayeen inay usoo gudbaan dhanka gobolka Bari, si ay uga tallaabaan Badda Cas.
Go’aanka maxkamadda waxaa loo sababeeyey xaallada ammaanka iyo weliba in dadkaas aan muddo xabsiga lagu hayn karin, madaama uusan jirin wax dembi ah oo ay ku eedeysan yihiin.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Nugaal Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa sheegay in sidoo kale maalinta Sabtida ah maxkamadda la horkeeni doono saddex dareewal oo wadey gawaaridii ay tahriibeyaashaasi ku safrayeen.
Qulqulka dadka tahriib doonka ah ee ka imaanaya dhanka Itoobiya ayaa si aad ah kor ugu kaca sannad kasta marka uu xilliga Ramadaanku soo dhowaado. Ramadaanka waxaa fudud in laga tallaabo xadka u dhexeeya Sucuudiga iyo Yemen.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
More News
- Waxgarad cambaareeyay qabshadii ciidanka Somaliland ee Degmada Taleex
- Kulan lagu Taageeray Maamulka Shabelle State oo Muqdisho lagu Qabtay
- Askar ka tirsan Ciidamada Milateriga Somalia oo Maanta Xukunno lagu riday
- Ra’iisul wasaaraha oo Maanta booqday garoonka Madhamaato (SAWIRRO)
- Wasiirka Afrika ee Britain oo la Kulmay Madaxweyne Siilaanyo (SAWIRRO)
- NICHOLAS KAY: " xaaladda Taleex laguma xallin karo hab ciidan iyo dagaal"
- MADAXWEYNE XASAN: "Khilaafka Taleex waa in Wadahadal lagu dhameeyaa”
- ITOOBIYA: Kooxo dabley ah oo rasaas khasaare geystay ku furay bas rakaab
- Kulanka Baarlamaanka oo Maalintii Saddexaad Kooram la’aan u baaqday
- Shirkii sannadlaha ahaa ee horumarinta G. Bari oo lasoo gaba gabeeyey
- Tababarayaal Yugaandheys ah oo lagu eedeeyay inay tababareen Al-shabaab
- Obama oo Bisha Shanaad Aqalka Cad kula kulmaya Madaxweynaha Jabuuti
- Ciidamada Somaliland oo isaga baxay degmada Taleex ee G. Sool
- Guddoomiyaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Napoli
- Shil ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho
- Ra’iisul Waasaraha Somalia oo la kulmay Waxgarad iyo Haween (SAWIRRO)
