Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa ku baaqay in xiisadda Taleex la qaboojiyo.
Kay ayaa dhammaan dhinacyada u diray farriin ah in ay dulqaad iyo tanaasul muujiyaan, si looga baaqsado dagaal khasaare geysta oo gobolka ka dhaca.
“waxaan ku baaqayaa in la muujiyo deganaansho, xaaladda laguma xalin karo hab ciidan, dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso waa in ay muujiyaan dulqaad, oo aanay ku kicin ficil keeni kara dagaal,waana in ay sida ugu dhaqsaha badan u damiyaan buuqa jira una qaboojiyaan xaaladda…” qoraal kasoo baxay xafiiska Nicholas Kay ayaa sidaas lagu yiri.
Ciidamada Somaliland shalay gelinkii dambe ayey si buuxda ula wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo xarun u ahayd maamulkii Khaatumo dhowaanna uu shir Khaatumo 3 loo bixiyey ka dhici lahaa.
Puntland ayaa si kulul uga jawaabtay arrintan, waxaana qoraal kasoo baxay madaxtooyada Garoowe lagu sheegay in Puntland aysan u dulqaadin doonon –wax lagu tilmaamay- daandaansiga ay Somaliland ku hayso dadka iyo deegaanada Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya