4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Siilaanyo oo Xarigjar iyo Dhagax-dhig Mashaariic Dhowr ah Maanta Berbera ka Sameeyay kana hadlay Shidaal Baarsita (SAWIRRO)


Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray, qaar kalana dhagax dhigay mashaariic fara badan oo laga hirgaliyey magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Mashaariicdan uu madaxweynuhu booqday ee laga hirgaliyey magaaladda Berbera ayaa iskugu jiray xadhiga ka jarid iyo kuwo la dhaqax dhigayey waxaana ka mid ahaa mashaariicdan Dhul balaadhan lagu kordhiyey dekeda Berbera, dhulkaas oo loogu talo galay in lagu raseeyo agabka Dekeda, koontiinarada, wiishashka iyo wixii loo baahdo.

madaxweynuhu waxa kale oo uu dhagax-dhigay qaybo cusub oo dekeda lagu kordhin doono dhawaan, waxa kale oo isna uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisme loogu talo galay Bahda Akhristayaasha ee Reading Club ee Berbera, Dhulkaas oo ay siisay Dawlada hoose ee Berbera si ay u noqoto goob wax lagu akhristo oo gobolku yeesho, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray Xaruntii hore loogu yiqiin taardheer oo ah barxada ugu weyn gobolka Saaxil ee ay dawladu iska leedahay kaydkana ay u haystaan oo laga hirgeliyey mashaariico kala duwan.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa shaqo ku gudda jira waxa kale oo uu xadhiga ka jaray Dhisme dabaq ah oo ah Xarunta Caafimaadka Gobolka loo sameeyey, waxa kale oo u madaxweynuhu xadhiga ka jaray meelo badan oo ay ka mid yihiin illaa shan wadddo oo laga hirgeliyey magaalada oo isku xidhayaan suuqa weyn ilaa Xeebta Batalaale oo laami ah iyo kuwo kale oo suuqa iyo magaalada dhexdeeda ah, intaasi ka dib waxa uu madaxweynaha iyo weftigiisa oo socdaal lug ah ku dhex mareen wadooyinka kala duwan ee saaka xadhiga laga jaray isaga oo ay hogaaminayaan Madaxda kala duwan ee Gobolka saaxil.

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu tegay oo uu xadhiga ka jaray xarunta daryeelka iyo keydinta Baabuurta dawlada hoose ee Berbera oo ay Golaha Deegaanka ee Berbera intii la soo doortay ay hirgeliyeen in gobolku helo xarun loogu soo hagaago baabuurta dawlada hoose, halkaas oo ay ku soo bandhigeen gaadiid aad u tiro badan oo noocyo kala duwan ah, kuwaas oo dhamaantood ah kuwo cusub oo ay ay golaha deegaanka ee cusubi ay iibiyeen dhawaan.

Madaxweynaha ayaa marka uu soo dhamaystay kormeerkiisa shaqo, ayaa u mahadnaq masuuliyiintii suurtogaliyey mashaariicda badan ee gobolka Saaxil laga hirgaliyey, waxaanu ku dhiirigaliyey madaxda gobolka iyo shicibka gobolka Saaxil inay u midoobaan horumarinta gobolka iyo sidii Berbera looga dhigi lahaa meel ay dadku ku soo hirtaan.

Intaas ka dib madax dhaqameedka Gobolka Saaxil ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey madaxda gobollka iyo madaxweynaha, waxaanay ku amaaneen waxqabadka muuqda ee gobolkan laga hirgaliyey taas oo wax badan laga qabtay horumarinta gobolka.

Dhinaca kale, Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa markii uu dhamaystay kormeerkii magaaladda Berbera ku yimid waxa uu u dhaafay gobolka Togdheer, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey madxweynaha iyo weftigiisa.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay shirkaddii sahaminta Genel Energy ee ka baxday Somaliland oo uu sheegay in aanay ka bixin ee ay hakisay sahaminteedda, isla markaana ay dib u bilaabayso shaqadeedii, sidoo kale waxa uu ka hadlay shirkadda Diyaaradaha Ethiopia Airlines ee joojisay duulimaadkii Somaliland.

“Walaaleyaal shirkadda Genel may bixin ee way hakisay shaqadeedii, shirkadda Ethiopian Airline wax ceeb ah kamay sheegin madaarka Hargeysa, wixii la sheegayayna waxay ahayd been la abuuray oo la buun-buuniyay,”ayuu yidhi Madaxeynaha Somaliland oo ka hadlayey shirkaddii sahaminaysay shiidaalka Somaliland oo dalka ka baxday iyo shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopia Airline, waxaanu intaas ku daray“Waxaanay shacbigu kala ogyihiin cida u daacad ah ee dalka dhisaysa ee ku hawlan horumarintiisa iyo kuwa cayda iyo afmiishaarnimada la taagan gidaaradda ee u samaystay Goleyaasha sharci darrada ah”.

Si kastaba ha ahaatee, goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka Somaliland ayaa ku tartama horumarinta magaalooyinkooda, kuwaas oo muddo marka la joogaba madaxweynaha ku casuumay si uu xadhiga uga jiro, isla markaana ugu dhiirigaliyo waxqabadkoodda, hore waxa uu uga soo jaray magaaladda Boorame, Hargeysa, waxaanu maalmaha soo socdana ka jari doonnaa Burco iyo Oodweyne oo iyana laga hirgaliyey mashaariic horumarineed.







Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland