Axad, Sebtember 15, 2013 (HOL)- Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) ayaa maanta gaarey xarunta dalka Biljamka ee Brusells, halkaasoo uu berri ka furmayo shirka New Deal ee looga hadlayo sanadkan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Wafdiga madaxweyne Faroole waxaa ku jira xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland kuwaasoo uu qayb ka yahay wasiirka caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
Sidoo kale waxaa wafdiga Puntland kamid ah C/risaaq Cismaan Juurile oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland iyo Maxamed Xasan Barre oo isna guddoomiye u ahaa guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland.
Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d'Urso ayaa wafdiga madaxweyne Faroole kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Brusells.
Dhinaca kale wasiirka war-faafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo maanta la hadlay war-baahinta maxalliga ah ee Puntland, ayaa sheegay in Puntland ay shirka uga qayb geleyso si madax bannaan, isagoo xusay in ay casumaad rasmi ah ka heshay Midowga Yurub.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay shirka la tegi doonto ajendeheeda gaarka ah iyadoo ka madax bannaan Dowladda Federaalka, islamarkaana uu Madaxweyne Faroole shirka ka jeedin doono khudbad dhinacyo badan taabaneysa.
Shirka New oo sanadkan ay ka qayb gelayaan madaxda ka socota in ka badan 50 dal iyo ururro caalami ah, waxaa lagu falanqeyn doonaa xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii dib-u-dhis loogu sameyn lahaa, iyadoo dhinaca kale lagu wado in shirkaas Soomaaliya dhaqaale badan loogu ballan qaado.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland
Wafdigii Puntland uga Qayb-geli lahaa Shirka New Deal oo Brusells Maalinta berri ah ka frumaya oo Halkaas Gaaray
More News
- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia oo ka hadlay Muhiimada uu Shirka Brussels u leeyahay Soomaaliya
- Shil Gaari oo dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay 35 ruux oo Maanta ka dhacay Duleedka Degmada Buulo-burte
- Siilaanyo oo Xarigjar iyo Dhagax-dhig Mashaariic Dhowr ah Maanta Berbera ka Sameeyay kana hadlay Shidaal Baarsita (SAWIRRO)
- Kulan ay Xubnaha Baarlamaanka yeelan lahaayeen Maanta oo baaqday iyo Xildhibaan ka hadlay baaqashada kulankaas
- Bannaanbax looga soo Horjeedo Shirka Brussels oo la Filayo inuu Berrito ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
- Shirkadda SKA oo si rasmi ah Maamulkii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ugu Wareejisay Shirkad Turkish ah (SAWIRRO)
- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xubno kale oo Dowladda ka tirsan oo maanta Kormeeray Waddo la Dayac-tirayo (SAWIRRO)
- Kulan looga hadlay xoojinta Amaanka Gobolka Mudug oo Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas
- Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah Xubnaha Ahlusunna Waljamaaca
- Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay oo Maanta Gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium
- Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo Maanta lagu Wareejinayo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho
- Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo si Caro leh uga Jawaabay qoraal ay Warbaahinta Somalida Qaarkood baahiyeen
- Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo xalay u Ambabaxay Magaalada Brusells ee Xarunta dalka Belgium