4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2013
Guddiga Masjidka Abuubakar ee Minneapolis oo deeq Lacageed oo gaaraysa 132,000 oo dollar ku wareejiyay Hay’adda HARO

Sabti, May 04, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo dhan 132,000 (Boqol Soddonoo iyo laba kun) dollar-ka Mareykanka ah ayuu  masaajidka Abuubakar Sadiiq ee ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku wareejiyay hay'adda HARO oo ka mid ah hay'adaha samfalka ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya, xafiisyana ku leh magaalooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Maraykanka.

Lacagtan kaalmada ah ayaa waxaa soo ururiyay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka si loogu caawiyo agoontii uu ka tagay Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe horraantii sannadkan.


Kulanka lagu ururiyay lacagtan oo ka dhacay gudaha Masaajidk Abuubakar Sadiiq ayaa waxaa ka soo qayb-galay qaar ka mida Imaamyada masaajidda waaweyn kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Sheekh C/risaaq Xaashi oo Imaam ka ah masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Sheekh Axmed Nuur oo Imaam ka ah masjidka Abuubakar ee Seattle-Washington, Sheekh Maxamed Mursal oo Imaam ka ah masjidka Ixsaan ee magaalooyinka St-Paul ee Minnesota.

Ugu horreyn waxaa ka hadlay kulanka maamulaha Masaajidka Abuubakar Saqdiiq, Maxamuud Guuleed (Suhayb) oo sheegay in sababta ay kulankan ay u qabteen ay tahay in laga wada marqaati kaco in si fagaare ah aan ku wareejinay lacagtii aan muddada ururinayay haya’dda HARO, wuxuuna u mahad-ceilyay dhammaan intii gacan ka gaysatay ama bixisay lacagtaas loogu talogalay agoonta.

“Ma ahan mas'uuliyadda aan qaadnay mid ku eg agoontii uu Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ka tagay ee waa mid aan ugu adeegayno dhammaan caruurta ay ka tagaan culummada Soomaaliyeed ee xaqa nagu leh,” ayuu yiri Sheekh C/risaaq Xaashi oo ah imaamka Majidka Abuubakar Saqiid ee Minnapolis.

Waxaa isagana goobta ka hadlay Cali Cabdinuur oo ah ma’suulka ugu sarreeya hay'ada HARO oo ka yimid magaalada San Diego si uu lacagta u guddoomo; wuxuuna ballanqaaday sida lacagtaas meel fagaare ah loogu guddoonsiiyay uu isaguna meel fagaare ah ku bixin doono.

Maamulaha masaajidka Abuubakar Saqdiiq, Maxamuud Guuleed (Suhayb) oo HOL la hadlay ayaa sheegay si sababta ay lacagta ugu wareejiyeen hay’adda HARO ay tahay si ay u waafaqaan Shuruucda dalka Mareykanka, isagoo intaa ku daray in sababta ay meel fagaare ah ugu bixiyeenna ay tahay inay ka markhaati kacaan culummada Soomaaliyeed, waxgaradka iyo saxaafadda in lacagtii ay ururiyeen ay ku wareejiyeen hay’addan.

Ugu dambeyn, waxaa jeeggii ay lacagtaas ku saxiixnayd ku wareejiyay madaxa hay’adda HARO Cali Cabdinuur maamulaha guddiga masaajidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis, C/rashiid Barre.

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]

Minneapolis, Minnesota