4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta loo Qaybiyay Nuqullada Dastuurka Dalka oo dib loo eegayo

Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta loo qaybiyay nuqullada dastuurka dalka kaasoo dib u eegis lagu sameynayo, iyadoo kulanka uu khudbad dheer ka jeediyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo sheegay in baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danta shacabka.

Dib u eegista dastuurka ayaa waxaa lagu macneeyay in bulshadu ay fikirro ku yeeshaan dastuurka, sidoo kalena waxaa horay ay madaxda dowladdu u sheegeen in dastuurka la waafajinayo dastuurka.

“Xilka ugu weyn ee xildhibaannada laga sugayo waxaa weeye inay dhayaan wixii ummadda kala gaaray, dajinta sharciyada turxaabixinta iyo dhageysi dadweynaha,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo la hadlayay xidhibaannada, isagoo intaas ku daray in xildhibaannada laga doonay inay golaha shacabka u soo bandhigaan warbixinno ku saabsan tabashada shacabka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale khudbadiisa kusoo qaaday dib u eegista dastuurka iyo dhameystirkiisa uu yahay waajib weyn oo saaran mudanayaasha baarlamaanka, isla markaana aan dib loo dhigi karin.

“Dib u eegista dastuurka ee sida KMG ah loosoo ansixiyay waa howsha ugu weynu ee hortaalla baarlamaanka. Shirka dib u eegista dastuurka waa arrin uu qabo qodobka 57-aad ee dastuurka oo dhigaya in dastuurka dib u eegis lagu sameyn karo,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha baaralamaanka wuxuu sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay inay suuro-geliyaan in dalka laga hirgeliyo in shacabku ay si xor ah u soo doortaan dowladdii hoggaamin lahayd kaddib in ka badan 40-sano.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in berri uu imaan doono baarlamaanka wasiirka garsoorka, arrimaha diinta iyo owqaafta si wax looga weydiiyo arrimaha garsoorka dalka.

Kulanka dib loogu eegayo dastuurka ayaan la sheegin muddada uu socon doono, iyadoo dib u eegistan ay noqonayso tii ugu horreysay, afhayeenka baarlamaankuna uu sheegay inay ku timid codsiyo kaga yimid shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya