4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Dekedda Muqdisho oo Mar kale laga dhoofiyay Xoolo Nool iyo Ra’iisul Wasaare Saacid oo Mashruucan Furay (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa maanta markii labaad laga dhoofiyo xoolo nool, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu xariga ka jaray mar kale dhoofint xoolaha nool ee dekedda Muqdisho.

Munaasabadda uu mar kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xariga ka jaray ayaa waxaa iyaguna goobjoog ka ahaa: wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen: wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, wasiirka kheyraadka dalka iyo wasirika ganacsiga iyo warshadaha, Sidoo kale, waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dekedda.

Xoolaha nool ee maanta la dhoofiyay oo ahaa geel ayaa waxaa lahayd shirkad Soomaaliyeed oo xoolaha dhoofisa, waxaana la sheegay in loo iib-geynayay dalka Sucuudi Carabiya.

Xukuumaddu waxay fududeysay wax kasta oo ganacsatada Soomaaliyeed u sahli kara inay dhoofiyaan xoolaha nool si dib loogu soo celiyo sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd iib-geyn badeecadaha iyo xoolaha nool,” ayuu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku sheegay hadal uu jeediyay kaddib markii uu xariga ka jaray mashruuca dhoofinta xoolaha.

Ra’iisul waasaruhu wuxuu intaas ku daray in Alle uu dalkeenna ku manneystay khayraad fara badan oo dadkeenna looga baahan yahay inay ka faa’iideystaan; kuwaasoo ay ka mid yihiin beeraha, xoolaha nool iyo kuwo kale oo fara badan.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Maxamuud Cabdikariim Gabeyre oo isaguna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii loo horumarin lahaa iib-geynta  xoolaha oo Soomaaliya ay caan ku tahay; isagoo dowladda uga mahad-celiyay dadaalka ay ku bixisay sidii ay xoolaha u dhoofi lahaayeen.

Dekedda Muqdisho ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay 27-keedii laga dhoofiyay xoolo nool oo lo' ahaa, kuwaas oo ku socday dalka Cummaan, waxaana markaas xariga KMG ah uga furay dhoofinta xoolaha nool ee dekedda Muqdisho wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.













Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya