4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada oo xaflad lagu xusayey Maalinta Haweenka ku qabatay Muqdisho (SAWIRRO)

Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Munasaabad ballaaran oo lagu xusayay maalinta haweenka dunida ee 8-da Maarso oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay hoteelka Oriental ee magaalada Muqdisho, taasoo qabanqaabadeeda ay lahayd wasaarada horumarinta adeegga bulshada ee xukuumadda Soomaaliya

Xafladdaas oo ahayd mid si weyn looga soo shaqeeyay ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, xildhibaanno, haween ka socday degmooyinka gobolka Banaadir, ururrada bulshada, fannaaniin iyo marti sharaf kale.

Fannaaniin kooxda IFTIN ee wasaaradda waxbarashada ayaa xafladda kusoo bandhigay, heeso, ruwaayado goos-goos ah, gabayo, buraanburro iyo murti kale, kuwaasoo dhammaantood ka tarjumayay qiimaha ay leedahay maalinta haweenka adduunka.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ayaa khudbado ku furay munaasabadda kuwaasoo ay kala ahaa: xildhibaanad Maryan Macallin iyo xidhibanad Sareedo kuwasoo ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed inay midnimadooda ilaashadaan.

Sidoo kale, waxaa hadal ka jeediyay munaasabadda wasiir ku xigeenada wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamed Macallin Axmed iyo Bashiir Maxamed Nuur (Goobe) oo hambalyada 8-da Maarso ka sokow sheegay in wasaaraddu ay door muhiim ah kaga jirto horumarinta haweenka Soomaliyeed, iyagoo xusay inay wadaan qorshe wax lagu barayo sannadkan illaa hal milyan oo caruur ah Soomaaliyeed ah.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda khudbad ka jeediyey wasiir-u-dowlaha wasaarada horumarinta adeega bulshada oo marka hore hambalyo ku aaddan maalinta haweenka u diray haweenka caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo haweenkii munaasabaddaas ka qaybgalay gaarsiiyay salaan uu uga siday, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiiradda wasaarada horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim oo uu sheegay inay safar shaqo ugu maqan tahay dalka dibaddiisa.

Dhinaca kale, wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid ay tixgelin buuxda siisay haweenka, isagoo sheegay in dowladdu aysan u dul-qaadaneyn tacadiyada lagula kaco haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in halku-dhegga sanadkan ee munaasabadda 8-da Maarso ay tahay (JOOJI KU XAD-GUDUBKA HAWEENKA).

“Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada iyadoo ka duuleysa kaalinta kaga aaddan horumrainta haweenka Soomaaliyeed waxay waddaa qorshayaal arrintaas ku saabsan, kuwaasoo isugu jira caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha bulshada,” ayuu yiri wasiir-u-dowlaha; isagoo haweenka Soomaaliyeed u rajeeyay inay sanadkan kiisa kale ku garaan nabad, horumar iyo barwaaqo.

Xafladan ayaa qeyb ka ahayd xaflado lagu maamuusayo maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso oo siyaabo kala duwan loogu qabto gudaha dalka iyo dibaddiisa, waxaana wax la iska weydiiyaa dhibaatooyinka haweenka haysta iyo sidii wax looga qaban lahaa.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya