4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee Sideedda Maarso oo lagu qabtay Degmada Jowhar (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) —  Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellada dhexe, iyadoo haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay uga soo horjeedaan dhibaatooyinka haweenka loo geysto.

Munaasabadan oo ay soo qaban-qaabisay Hay'adda CCD ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Shabellada dhexe oo uu ugu horreeyay guddoomiyaha gobolka, Cabdi Jiinow Calasow iyo xubno ka tirsan mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

"Ha guuleysato 8-da Maarso, hambalyo ayaa leeyahay, haweenku waxay laf-dhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed, waxay ahaayeen kuwo qaranka soo badbaadiyay, sidoo kalen waxay badbaadiyeen qoysaskooda, xilli ay ragga ku mashquulsanaayeen qaadka iyo qoriga. Haddaan la abaalmarin waa lagu abaal dhacayaa," ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Sidoo kale, Cabdi jiinoow oo hadalka sii wata ayaa yiri: "Is-bedelka maanta la dareemi karo waa ujeeddaan, horumarkan haweenku qayb libaax ayay ku lahaayeen. Sannadkii hore markii uu cadowga joogay halkan Jowhar ma isku soo bixi karin, maantana idinkoo faraxsan oo xor ah ayaa isku soo baxdeen."

Guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Cusmaan Caqiil oo isaguna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in 8-da Maarso ay tahay maalin ku weyn haweenka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haweenka ay qaybtooda ka qaateen xoreynta dalka.

Caqiil ayaa intaas ku daray in haweenka ku nool degmada Jowhar inay yihiin kuwo si wanaagsan ula shaqeeya maamulka, soona sheega cid kasta oo ka soo horjeesata nabadda, waxaana uu ka dhawaajiyay in amniga uu yahay mid wanaagsa oo la isku halleyn karo.

Sahro Maxamuud Amiin oo ah guddoomiyaha qaybta haweenka ee hay'adda CCD oo iyana hadashay ayaa ugu hambalyeysay haweenka Soomaaliyeed munaasabadda 8-da Maarso, iyadoo ku boorisay haweenka inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeyntisa.

Waxaa kaloo munaasabadda hadal ka jeedisay guddoomiyaha haweenka ee gobolka Shabellada dhexe, Sacdiyo Maxamed Burus iyadoo haweenku kula dardaarantay inay dhexda u xirtaan sidii carruurtooda ay ugu wacyi-gelin lahaayeen dagaallada, isla markaana ay qayb ka qaataan ammaanka iyo xasiloonida dalka oo dhan, waxayna ku ammaantay hay'adda CCD.

Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Jowhar, Xaliimo Maxamed Xaaji Madyan iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada dhexe, Cali Cismaan Ibraahim oo iyaguna hadallo kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa waxy sheegeen in Hooyada ugu horreyn laga rabo in carruurteeda ay waxbarashada ku toosiyo, si hadhow aan loo qaldin, laguna koontaroolo in waxbarashadiisa uu si wanaagsan u qaato.

Ugu dambeyn, haweenki ka qeyb-galay munaasabadda ee 8-da Maarso ayaa kusoo bandhigay halku dhigyo iyo suugaan ay uga hadlayeen qiimaha ay ku leeyihiin haweenka bulshada dhexdeeda, iyadoo Kooxda xiddigaha Jowhar ay soo bandhigeen intii munaasabaddu socotay ruwaayado gaaban-gaaban oo ka hadlayay tacadiga haweenka loo geysto iyo xuquuqda ay leeyihiin.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya