4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Ciidamada Militariga Somaliland oo Howlgallo ay ku Xaqiijinayaan Ammaanka ka sameynaya Magaalada Xariirad

Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ciidamadda Militariga iyo ciidamadda gaarka u tobabaran ee loo yaqaan (RRU), ayaa hawlgalo balaadhan oo lagu qabqabanayo maleeshiyo lagu tuhunsanyahay inay degaanka xariirad ka geysten  falal ammaandarro, ayaa la sheegay inay ku soo qabqabteen ku dhawaad 12 xubnood oo isugu jira madax dhaqameed, xildhibaanno iyo maleesiyo beeleedyo kale.

Ciidamadan ayaa dagaal la galay maleeshiyo beeleed dhowaan jidgooyo ka samaysay deegaanka Xariirad ee gobolka Selel, isla markaana halkaasi ka sameeyey shaqaaqo amni daro.

Ciidamadda amniga ayaa isku dayeya inay soo xaliyeen shaqaaqadii halkaasi ka taagnayd, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku hawlaan inay ka sifeeyaan koox dablay ah oo deegaankaasi ka jirtay, waxaana halkaasi lagu soo qabtay ilaa dhawr iyo toban qof oo loo malaynayo inay maleeshiyo beeleedkaasi ka mid ahaayeen, inkastoo xukuumaddu wali ka hadal.

Sidoo kale, ciidamadda Itoobiya ayaa iyaguna xadka Somaliland iyo Itoobiya la soo tubay si ay ula socdaan xaaladda amni ee deegaankaasi ka jira, isla markaana aan loogu soo talaabin dhinaca xadkoodda.

Maalmihii u dambeeyey xaaladda magaaladda Xariirad way degan tahay, lamina sheegin wax dhibaato ah oo ka jirta, waxaanay xukuumaddu sheegtay inay soo afjarayaan wixii dhibaato ah ee deegaankaasi ka jira.

Dhowan bay ahayd markii toban xildhibaan oo kala tirsan degmooyinka Saylac iyo Lughaya iska casileen xubinimadii golaha deegaaadaasi ka dib markii cabasho weyn ka muujiyeen qaabkii doorashadaasi u dhacday, iyagoo doorashadii golaha deegaanka ku tilmaamay mid aan xalaal ahayn.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland