4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 8 , 2013
Uhuru oo weli Hoggaaminaya Natiijooyinka hordhaca ah ee Doorashada Dalka Kenya iyo Tirintii codadka oo weli socota


Jimco, Maarso 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaar ku xigeenkii dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa weli hoggaaminaya natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalka Kenya, iyadoo tirinta codadkuna ay weli ka socoto Bomas goobta loogu talogalay in doorashada lagu tiriyo.

Uhuru oo hoggaaminaya isbahaysiga JUBILEE ayaa hadda haysta codad gaaraya; 4,532,430, halka hoggaamiyaha isbahaysiga CORD, Raila Odinga oo ah ra’iisul wasaaraha dalka Kenya uu isaguna haysto codad gaaraya 4,018,800.

Deegaannada codadkooda la tiriyay illaa iyo hadda ayaa waxay gaarayaan 200 iyadoo lagu wado in 90-ka deegaan ee haray maanta la tiriyo laguna dhawaaqo isla maanta natiijada kama dambeysta ah ee doorashada dalka Kenya, gaar ahaan midda madaxweynaha, sida uu sheegay guddiga doorashada Kenya.

Xisbiga CORD ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Kenya ayaa sheegay in doorashada lagu shubanayo, iyadoo sidoo kale uu guddigu sheegay inay kasoo horjeedaan codadka tirintooda lagu laabtay.

Balse guddiga doorashada Kenya ayaa waxay sheegeen in warkaas uu been yahay, iyagoo xusay in tirinta codadka ay si habsami leh u socoto, ayna ku dhawaaqi doonaan natiijada marka ay maanta soo gabgabeeyaan tirinta codadka doorashada.

Inkastoo aan la saadaalin karin cidda ku guuleysanaysa doorashada Kenya ayaa haddana waxaa muuqata in codadka la tirinayo uu si aad ah ugu horreeyo Uruhu oo 52-jir ah, uuna dhalay madaxweynihii hore ee Kenya, Jomo Kenyatta, waxaana haddii ay labada murashax ee ugu horreeyay ay kala adkaan waayaan ay noqonaysaa in mar kale ay tartamaan.

Welwel weyn oo ku aaddan inay rabshado dhacaan marka natiijada lagu dahwaaqo ayaa Kenya ka taagan, iyadoo deegaannada qaarkood laga dareemayo saansaanno arrintaas muujinaya, iyadoo la xusuusto in Kenya ay ka dhaceen sannadkii 2007 rabshado ay ku dhinteen in ka badan kun qof, kaddib markii lagu murmay natiijadii doorashada madaxnimo.

Goobjoogayaal ka socda beesha caalamka oo u badan dalalka Afrika ayaa waxay sheegeen in doorashadu ay u dhacday si xor ah, iyagoo sheegay inay ku farxeen sida doorashada loo agaasimay, balse isbaysiga CORD ayaa qaba dood ku aaddan doorashada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya