4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo Muqdisho ku Qabtay Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Haweenka Dunida (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Jinsiga ee AMISOM ayaa maanta si wadajir ah ugu qabtay Muqdisho xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo sannad walba laga xuso dunida oo dhan, iyadoo la sheegay in lasoo hormariyay maadaama ay berri Jimco tahay oo laga nasanayo shaqooyinka.

Xuskan oo lagu qabtay gudaha xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay haween ka socda dalalka Uganda, Nigeria, Kenya, Itoobiya iyo weliba Jabuuti, kuwaasoo hadallo kooban goobta ka jeediyay.

Munaasabadda ayaa waxaa furay wasiir u dowlaha wasaaradda horumarinta iyo arrimaha haweenka, Maxamuud Ismaaciil Barkhadle isagoo sheegay in dumarka Soomaaliyeed ay weligood door muhiim ah ku lahaayeen bulshada dhexdeeda, loona baahan inay xoojiyaan doorkaas, ayna qaybtooda
isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay kaga soo qayb weyn ka qaataan horumarinta dalka.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahayd xildhibaanad Maryan Macallin Isaaq  oo si aad ah uga hadashay dhibaatada ku dhacday haweenka Soomaaliyeed muddadii ay colaaduhu jireen, iyadoo xustay in looga baahan yahay haweenka Soomaaliyeed inay dhexda u xirtaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen kaalinta ay bulshada uga jiraan.

“Haweenka waa kuwa ay dhibaatada ugu weyn kasoo gaartay colaadihii dalka ka dhacay, waxaana weli ay yihiin kuwo laf-dhabar u ah bulshada, waxaana ugu baaqayaa in la xoojiyo haweenka si ay uga qaybqaataan dib u dhiska iyo nabadeyntiis,” ayay xildhibaannadu ku sheegtay khubad dheer oo ay ka jeedisay kulanka.

Barbaarta gaashaaman ayaa waxay kusoo bandhigeen munaasabadda ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ah, taasoo aad u soo jiidatay xubinihii ajanbiga ahaa ee kulanka kasoo qaybgalay, waxaana qaarkood ay ammaaneen fanka Soomaalida.

Joyo Mashedi oo ka socday dalka Kenya oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa ugu baaqay dumarka Soomaalida inay door muhiim ah ka qaataan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, maadaama Soomaaliya ay ka baxayso xilligan colaado muddo dheer soo socday.

“Sida la ogyahya digaaggu wuxuu difaaca ilmihiisa yar marka cadow uu doonayo inuu qabsado, sidaas oo kale ayaa haweenka Soomaalida looga baahan yahay inay u difaacaan dalkooda iyo dadkooda,” ayay tiri Joy oo intaas ku dartay in dumarka ay caruurtooda, raggooda iyo ilmahooda ka joojiyaan dagaallada ay ku jiraan, taasoo gun-dhig u ah inay nabadda ka qaybqaataan.

Dhanka kale, waxaa goobta ka hadashay Stella Sabiiti oo u dhalatay dalka Uganda, balse ka socotay Midowga Afrika, iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay kala qaybgasho haweenka Soomaaliyeed munaasabad lagu xusayo maalinta haweenka adduunka, iyadoo sheegtay in Soomaalidu ay leeyihiin fan aad u wanaagsan ayna aad ula dhacday ciyaarihii hiddaha iyo dhaqanka ah ee lagu soo bandhigay munaasabdda.

Faadumo Cali oo iyaduna ka socotay dalka Jabuuti oo kulanka hadallo ka jeedisay ayaa sheegtay in dowladdooda ay gacan ka siinayso haweenka Soomaalida inay kaalin ka qaataan dib u dhiska dalka iyo nabadeyntiisa.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda soo xiray agaasimaha guud waaxda horumarinta iyo arrimaha bulshada ee wasaaradda horumarinta iyo arrimaha bulshada, isagoo sheegay in wasaaraddu ay mar walba dhinac taagan tahay haweenka Soomaalida, isagoo kula boorriyay in haweenka inay si aad ah ugu dadaalaan waxbarashada.

“Wasaarrada waxay billaabaysaa inay waxbarasho lacag la’aan ah siiso haweenka Soomaalida, waxaana dhawaan ay 30 haween ah ka bixinaysaa waxbarasho jaamacadeed oo lacag la’aan ah,” ayuu yiri Maxamed Cumar Nuur oo hadalkiisu ahaa mid kooban.

Isagoo hadalkiisa kusoo afjaray in haweenka ay horumar ku gaari karaan in ay waxbartaan, taasna ay tahay fursadda keliya ee ay meelo sare uga gaari karaan howlaha dalka.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka dalalka Uganda iyo Nigeria, iyadoo ciyaaraha dalka Uganda ay soo bandhigeen haween ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda, halka kuwa Nigeria ay iyaguna ka mid ahaayeen booliiska AMISOM ee dalka ku sugan.
















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya