3/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Xildhibaan Yuusuf Xassan oo si aqlabiyad ah ku helay codadkii laga dhiibtay degmada Kamakunji

Yuusuf Hassan.jpg


Khamiis, March 07, 2013 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xassan ayaa si aqlabiyad ah markale loogu doortay kursiga degmada Kamakunji oo ah deegaanka ay ka tirsantahay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Isagoo wali lagu daaweynayo isbitaalka ayaa la gudoonsiyaay warqadii guusha, waxaana uu xildhibaanku mahad u celiyay dadweynihii doortay.

“Waxaan mahad u jeedinayaa reer Kamakunji waan si laban laabi doonaa shaqadii aan idiin hayay” ayuu yiri Yuusuf oo ay farxadi ka muuqatay.

Waxaana uu helay 44,288 codadkii la dhiibtay, iyadoo musharraxa la tartamayay ee Cumar Yuusuf oo la yaqaano Omaro uu helay in ka badan 24,000 oo c od.

Waxaana guusha uu gaaray xildhibaanka Yuusuf Xassan u riyaaqay dadweynaha xaafada Islii oo doonayay inuu markale soo noqdo, si uu u dhammaystiro mashaariicdii uu ka bilaabay xaafada oo ay kamid tahay dhismaha wadooyinka xaafada,soo celinta bilicda Islii iyo waliba dhisitaanka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Waxaana Yuusuf uu hogaamin doonaa degmada 5-ta sano ee soo socota isagoo wali aan ka kicin dhaawac soo gaaray intii uu ku guda jiray kaambaynkii doorashada xilli uu kasoo baxay mid kamid masaajidada xaafada Islii (Eastleigh).

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
3/7/2013 12:26 PM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray maanta deegaanka Lafaale oo ka tirasn degmada Xudur ee gobolka Bakool kaddib ayaa waxay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda waxay madaxa dagaalyahan ka tirsan Al-shababa oo ay soo jareen geeyeen degmada Xudur.

3/7/2013 12:12 PM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay walaac ka qabto cunno-qabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, iyagoo wasiirka arrimaha dibadda ee maamulkas uu ku tilmaay go’aanka uu golaha ammaanka qaatay mid aan si wanaagsan looga fiirsan.

3/7/2013 11:13 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa galabta shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga warbixiyay safarkii uu ku tagay degmooyin ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya iyo cunno-qabateyntii hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

3/7/2013 10:46 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ururka HIRDA ayaa maanta ku qabtay Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna xusayay maalinta haweenta adduunka ee 8-da Maarso oo sanad walba xiliyadan oo kale laga xuso Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

3/7/2013 10:20 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa saakay 9:00 aroonimo la wareegay degmada Ufuroow ee gobolka Bay, halkaasoo ay ka talinaysay Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay.

3/7/2013 8:32 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirkiisa maaliyadda lacagta oo laga dalbaday inay horyimaadaan golaha baarlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo hoos u dhaca xoogga leh ee ku yimid doollarka, taasoo dhibaateyn ku ah shacabka Soomaaliyeed.

3/7/2013 8:22 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Wasaaradda horumarinta arrimaha bulshada ee dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Jinsiga ee AMISOM ayaa maanta si wadajir ah ugu qabtay Muqdisho xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo sannad walba laga xuso dunida oo dhan, iyadoo la sheegay in lasoo hormariyay maadaama ay berri Jimco tahay oo laga nasanayo shaqooyinka.

3/7/2013 7:21 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Shirkadda Mubaarak Farsamasi ee dawooyinka soo dejiya ayaa sheegtay in dawooyinkeedda ay ka soo iibiyaan mid ka mid ah shirkadaha sameeya dawooyinka ee dalka Turkiga, kuwaas oo soo saara dawoooyin tayo leh.

3/7/2013 7:19 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah dhibanayaashii dacwadda ku oogay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaalya Cali Samatar, ayaa ka hadlay waraaq uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Saacid u qoray wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka oo uu kaga codsanayo in xukunkii lagu xukumay Cali Samatar la buriyo maadama oo uu xaasanad siyaasadeed leeyahay.

3/7/2013 6:31 AM EST
Khamiis, March 07, 2013 (HOL) - Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayaa noqday senatorka Garissa, kadib markii uu si dirqi ah kaga guulaystay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Faarax Macallim oo muddo ku dhow labaatan sano ahaa xildhibaanka deegaanka Dhadhaab.

3/7/2013 12:45 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna Waljamaca ayaa shalay kala saxiixday heshiis qodobbo badan ah, kuwaasoo ay si wadajir ah u saxiixeen mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

3/7/2013 12:22 AM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Guddiga doorashooyinka dalka Kenya ayaa sheegay inay dib ugu laabteen tirinta codadka doorashooyinka, kaddib markii ay xumaadeen qalabkii lagu tirin lahaa codadka, iyagoo sheegay inay natiijadu soo bixin doonto berri oo Jimco ah.

3/6/2013 11:57 PM EST
Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida diirran u soo dhaweynaya go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunno-qabteynta hubka kaga qaaday dowladda Soomaaliya.