4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Waddamada Somalia iyo Qatar oo heshiis ku gaaray in ay yeeshaan Iskaashi guud oo dhinac walba ah (SAWIRRO)


Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta la kulmay Amiirka dalka Qadar Amiir Hamad Bin-Khalifah Al-Thani, kaasoo ay uga hadleen sidii iskaashi guud oo dhan walba ah uu u dhexmari lahaa Soomaaliya iyo Qadar.

Kulanka maanta ayaa waxaa ka qaybgalay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyadda, Faarax Sheekh C/qaadir, safiirka Soomaaliya ee Qadar, dajire Cumar Sheekh Cali Idriis, taliyaha nabadsugidda, Axmed Macallin Fiqi iyo agaasimaha madaxtooyadda Soomaaliya, Kamaal Daahir Xasan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyay Amiirka Qatar sida sharafta leh ee uu u soo dhaweeyay wafdiga Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku aamanay Amiirka Qadar horumarka ay ka gaartay dhismaha iyo waxbarashada oo hoggaankiisa wanaagsan ku timid.

Intaas kaddib, madaxeyne Xasan Sheekh wuxuu madaxda dalka Qatar uga warbixiyay xaaladda cusub ee Soomaaliya ay ku jirto iyo muhiimadda dib-u heshiisiinta iyo midnimadda Soomaliya.

“Iskaashi heer sare ah iyo in wadajir labadda dal ay u shaqeeyaan waa mid muhiimad gaar ah inoo leh, sidoo kalena lama huraan ah,” ayuu ku yiri hadal uu madaxweynuhu saxaafadda siiyay.

Labada masuul iyo wasiirrada labadda dal ayaa ka hadlay qaabkii Somalia looga caawin lahaa dhinacyada dhaqaalaha iyo in deynta Soomaaliya lagu leeyahay; waxna looga qabto sidii Soomaaliya ay uga mid noqoto hay’adaha caalamiga maaliyadda.

Madaxweynaha oo arrintaas ka hadlayay ayaa yiri: “Lixda tiir siyaasadeed ee dalka waxaa ka mid ah isbedel iyo rajo wanaag oo Soomaaliya la gaarsiiyo, maal-gelin yar oo lagu sameeyana saameyn weyn ayay yeelanaysaa.”

Sidoo kale, madaxweynaha iyo amiirka Qatar ayaa waxay kulankooda kusoo qaadeen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar. Dib-u-soo celinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay beesha caalamka .

Ugu dambeyn, labada madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qatar, Sheekh Hamad Bin Khaliifa ayaa isku raacay dhammaan arrimihii ay uga wadahadleen kuankooda.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya