4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Toos u daawo: Uhuru Kenyatta oo ku horreeya natiijada hordhaca ah ee codadka la tiriyay

NTV

KTV


Live broadcasting by Ustream

Isniin, March 04, 2013 (HOL) - Uhuru Kenyatta oo hogaamiya isbahaysiga Jubilee ayaa ku horreeya codadka ilaa iyo haatan la tiriyay.

Waxaana si toos ah loogala socdaa taleefishinada dalka Kenya tirinta codadka oo haatan si toos ah u soconaysa, kadib markii lasoo gabagabeeyay codaynta oo saakay 6-dii ka bilaabatay dalka intiisa badan.

Hoos ka fiiri sida ay u kala heleen codadka natiijada hordhaca ah oo na soo gaartay saacadda Nairobi 3:30AM (Aroornimo).

03:30am Uhuru Kenyatta (JUBILEE) 1,227,548 (55.61%)

            Raila Odinga (CORD) 876, 552 (39.91%)

            Musalia Mudavadi (AMANI) 62,813 (2.84%0

03:25am Uhuru Kenyatta (JUBILEE) 1,212,663

            Raila Odinga (CORD) 866,499

            Musalia Mudavadi (AMANI) 62,057

03:21am Uhuru Kenyatta (JUBILEE) 1,198,618

            Raila Odinga (CORD) 858,133

            Musalia Mudavadi (AMANI) 61,124

Natiijadani ma ahan mid rasmi ah, waxaa wali soconaysa tirinta codadka.

wixii soo kordha waxaad kala socon doontaan Hiiraan Online oo idiin soo gudbin doonta halka ay kala marayaan iyo sida ay u kala horreeyaan musharrixiinta.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya