Dalka Kenya oo ay socoto codbixintii bilaabatay 6-dii subaxnimo
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - 14 milyan oo ah muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ayaa
saaka 6-dii subaxnimo loo furay goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.
Daniel Arap Moi oo 89 jir ah ayaa codkiisa dhiibtay
|
Dadka ayaa goobaha qaar safafka sii galay saqdii dhexe ee
xalay, iyadoo lagu arkayay magaalada Nairobi dad safaf dhaadheer ku jira.
Gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalka Kenya oo goordhow
warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goobaha ay u sooroobi wayday inay
furmaan 6-dii aroornimo gadaal wakhtiga
looga kordhin doono.
Waxaana uu tilmaamay in doorashada ay si nabadgalyo ku jirto
uga socoto guud ahaanba dalka oo dhan.
Dadka cododkooda dhiibtay ayaa waxaa kamid Daniel Arab Moi
oo ah madaxweynihii hore ee dalka Kenya oo muddo 24 sano ah ka talinayay dalka
intii aysan Kenya u gudbin nidaamka dimuqraadiga ah.
Waxaana Moi uu codkiisa ka dhiibtay goob codbixineed oo ku
taalla jaamacadda Kabarak.
Dadweynihii xalay habaynimo safafka sii gala |
inkastoo ay dhaceen shaqaaqooyin ammaanka wax u dhimaya ayaa haddana Magaalooyinka
Gaarisa iyo Mombasa oo ay awood ku leeyihiin muslimiintu ay doorashadu si
deggan uga socotaa.
Waxaana la filayaa in tirinta codadku ay bilaabato 6-da
maqribnimo, iyadoo 48 saacadood gudahoodna lagu dhawaaqi doono natiijada sida
ay sheegeen gudiga doorashada ee IEBC.
Doorashadan ayaa waxaa u taagan 8 musharrax, kuwaasoo ay ugu cadcadyihiin Ra’iisul
wasaaraha dalka Kenya raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya